16th April 2024  admin  Category :

Waa maxay wasiiru-dowle Shaqadiisu maxay tahay?

Waxaa jira mansab lagu magacaabo ”wasiiru-dowle”, oo aan ku arki doonto liiska golaha wasiirada soo socda. Waa mansab looga dhaqmo dalal badan oo caalamka ah, anagana naguma cusba, waxaan ku aragnay golayaashi xukuumadihi hore,  Sidaasoy tahay hadana waxaa jira dad badan oo uu mugdi uga jiro waxa uu yahay mansabkan iyo weliba shaqada loo igmaday, maadaama uusan lahayd wasaarad cayiman amaba xafiis la yaqaano islamarkaana mar walba lagu daba gunto xafiis ama wasaarad kale, sida wasaaradda arimaha dibadda, maaliyadda iwm.

 

Waa maxay wasiiru-dowla?

Waa wasiir aan lahayn wasaarad, xafiis amaba masuuliyad cayiman, waa xubin ka tirsan golaha wasiirada, waxuu leeyahay cod, waxuuna qaataa mishaar/mushahar si la mid ah wasiirada kale.

 

Dalalka badanaa isticmaala
Waxaa badanaa isticmaala dalalka ay ka arimiyaan xukuumadaha dowlad-wadaaga ku dhisan, sida dowladaha Scandinavia, Netherland, Belgium, Germany, Italy, Switzerland iwm.
Lagama isticmaalo dalalka ay sida tooska ah u xukumaan madaxweyneyaasha amaba soo magacaabaan xukuumadda iyagoon u baahneyn ansixinta baarlamaan, sida United states of America, Zimbabwe iwm.
Wasiiru-dowla kuma koobna golaha wasiiradda, sidoo kale waxaa loo magacaabaa madaxtooyada.

 

Waa maxay howsha uu qabto?
Dalalka waa ay ku kala duwan yihiin howlaha uu qabto wasiiru-dowlaha iyo awoodiisa, waxaana ugu wacan siyaasadaha iyo duruufaha kala gedisan ee ka jira dalkaas, hase ahaatee hadana shaqooyinkiisa waxaa ka mid ah: u kala dab-qaadidda golayaasha dowladda, sida xukuumadda, baarlamaanka iyo madaxtooyada.

Waxuu kaalin mug leh ka qaataa arimaha bulshada, maamulka iyo siyaasadda dalka. Waxuu ka qeybqaataa howlaha wasaaradda ama xafiiska lagu laray, si aan ka baxsaneyn xeydaabka awooda mas’uulka assalka ah.
Marka laga eego dhinac kale: maadaama mansabkan badanaa laga isticmaalo dalal ay ka arimiyaan kooxo ama axzaab isku baheysatay qeybsiga awooda dalalkaas, waxaa dhici karta in mararka qaar loola jeedo isku dheelitir dhanka awooda ah amaba meesha looga saarayo aaminaad darro iman karta. Waxaa tuhunkaas xoojinaya in badanaa loo magacaabo wasaaradaha iidaanka leh amaba miisaanka culus, sida dibadda iyo maaliyadda iwm.

Waxaa kaloo dhici karta in mararka qaar loola jeedo qancinta xisbi ama dhinac ka mid ah bahwadaagta xukunka ku bahowday oo laga yaabo inuusan ku qanacsaneyn saamiga la siiyay. [Waa macquul in qodobkan dambe Soomaaliya tusaale u noqon karto.]

Waxaa kaloo meesha ku jiri karta in shakhsiga loo magacaabayo wasiiru-dowlaha looga maarmi waayay howlo takhasus gaar ah, kuwaasoon loo magacaabi karin wasaarad gaar ah.
Waxay tahayba wasiiru-dowle howl uma yara bulshaduna uma oga, maadaama shaqadiisu tahay mid dadban.

Bishar Haji
b.haji114@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*