28th March 2024  admin  Category :

Cumar Filish “Waa dhab cudurka Coronavirus Muqdisho waa soo gaaray, dad aan garanayo ayaa u dhintay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa ka digay khatarta cudurka Coronavirus, isagoo ugu baaqay shacabka in aysan fududeysan cudurka Coronavirus oo ah cudur halis ah oo adduunka oo dhan saameeyay.

Guddoomiyaha ayaa xusay in uu aad ugu walaacsanyahay xaaladda sii kordheysa ee cudurka, waxaana uu bulshada ka codsaday inay muujiyaan taxadar badan oo looga hortegayo COVID-19

Mudane Cumar Filish ayaa yiri “Waxaan ka walaacsanahay xaaladaha sii kordhaya ee COVID19, bulshaduna waa in ay si dhab ah ugu dedaallaan ka hortagga cudurkaan”.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay inay nasiib darro iyo niyad jab tahay in dadka ay u heystaan cudurkaas inuu been iyo waxba kama jiraan yahay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa shalay xaqiijisay in qofkii u horeeyay uu u dhintay cudurka Coronavirus, kaasoo ahaa nin 58 jir ah oo maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, lana helay afar kiis oo cusub, waxaana wadarta 11 qof, hal qof oo u dhintay iyo hal qof oo ka bogsaday cudurka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*