29th March 2024  admin  Category :

Argagixisada Alshabaab iyo taageerayaashooda SNM ee ku sugan Buuraha calmadow, kuma iman buuraha Calmadow  Casumaad loo fidiyey iyo marti qaad loo sameeyey. Waxay halkaa ku joogaan waa dhul ay xoog ku  haystaan oo ay aaminsan yihiin inay Qori caaradiis ay ku joogaan.  Dadkii lahaana ay ka itaal roonaadeen. Waxayna uga bixi karaan  oo qura waa awood la tuso iyo in dagaal looga saaro.

Hadaba wararkan sheegaya in alshabaab badan ay  buuraha Calmadow ka baxeen, waa marin habaabin , waa been cad , waxaana lagu qarinayaa waa alshabaabka soo socda   oo la doonayo in la geliyo  Buuraha Calmadow . Ujeedadda laga leeyahayna waa in  Bulshada degaanku ay   foojignaan badan  siiyaan oo qura ,  alshabaab aan jirin  OO   si iskood ah uga soo baxaya buuraha Calmadow, oo ayna marna xuduudahooda ka  ilaashan dadka   soo gelaya oo u gudbaya degaanadooda iyo Puntlandba.

Wararkan ah in alshabaab ka baxeen buuraha Calmadow, wa sheeko ay fidiyeen siyiaasiyiin ka soo jeeda beesha Isaaq,  si ay bulshada u jaahwareerinayaan iyaga oo dano dhulbalaarsi ah leh  .  waxaana hormuud ka ah dacaayadahan raqiiska ah    ninka sirdoonka SNM wakiilka uga ah magaalada Ceerigaabo ee  lagu magcaabo Ismaaciil Xaaji Nuur.

Ugu danbayntii Alshabaab Buuraha Calmadow ka bixi maayaan inta Ismaaciil XaaJI Nuur iyo kooxdiisu ay ku riyoonayaan inay dhulbalaarsi ku samayn karaan  gobolka Sanaag. Reer Maakhirna Alshabaab Buuraha Calmadow kama saari karaan ilaa ay alshabaab  ugu tagaan guriga uu ka soo kaco ee Xaafadda Dayacan ee magaalada Ceerigaabo . Xasilinta magaalada Ceerigaabo iyo xoraynta alshabaab waa labo isku xiran oo u baahn in mar la wada qaado. Sideetameeyadii Duulaankii SNM ee Ismaaciil xaaji nuur hogaamin jiray  waa ka  joogsan waayey  gobolka Sanaag sida maanta oo kale,  ilaa ay  reer Maakhir ugu tageen SNM  Ceel afweyn iyo duleedka Burco. Maalintaas,  maalin ka danbaysay lama arga Isaaq sooc ah oo soo weeraray Maakhir, aan ka ahayn Marrabi ay samaysteen oo ay hadda adeegsadaan oo marna Alshabaab Calmadow soo geliya marna Wrqado codayn ah wada

ALLSANAAG.COM

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*