28th March 2024  admin  Category :

Halqabsiga Beesha Warsangeli Abgaal,  ee  ah “Warsangeli Caleed” wuxu ku saleysan yahay asalka meesha Warsangeli Abgaal ka soo jeedo oo ah CAL ama CAL-MADOW.

Waayeelka Abgaal Warsangeli waxa hal ku dhig u ah “Awoowgey Warsangeli Caleedoow” oo ah hadal ay ku dhawaaqaan markay asalka odeygooda tilmaamayaan.
Qabiilka keliya oo Cal lagu yaqaan waa Warsnageli Waqooyi. Waxa ku jira abtirsiiyaha Warsangeli Waqooyi Xamar-Gale oo ah oday dhawr jiil ka tirsada Warsangeli.

Wax cad maadaama Warsangeli Waqooyi ahaa reer xeebeed ku caan ah badmarnimada in uu galay magaalada Muqdisho ama Xamar. Ka dib markuu Waqooyi ku soo noqday loo bixiyey Xamar-Gale.

Allaha ha u naxariistee Garaad Xamar Gale maxaa loogu bixiyey magacaasGaraad Xasan Garaad Cabdulaahi Dhidhin ( Xamar Gale)  , wuxuu ka soo jeeday   qoyska Saldanada Warsangeli, waxaana dhalay Garaad Dhidhin, oo ahaa Garaadkii asaasay ama ugu horeeyey  Saldanada Warsangeli.  Sanadkii 1311 ayuu ka dhaxlay garaadnimada aabihiis.

Magaca uu ku caan baxay ee “Xamar Gale”  waxa loo bixiyey markii uu ka tegay degaanadii beeshiisu degi jirtay  ee Calmadow waqooyiga Soomaaliya, isaga oo saldhig ka dhigtay  meesha hadda loo yaqaan Muqdisho ama Xamar waana sababta loogu bixiyey magaca Xamar GALE.Garaad Xamar Gale, Duriyadii ka farcantay  maanta waxay  ku nool yihiin gobolada  Banaadir iyo Shabeelaha dhexe.

1 Gerad Dhidhin 1298–1311 Established the Warsangali Sultanate in the late 13th century. 

Gerad Hamar Gale 1311–1328 Son of Gerad Dhidhin. 

3Gerad Ibrahim1328–1340 

4Gerad Omer1340–1355 

5Gerad Mohamud I1355–1375 

6Gerad Ciise I1375–1392 

7Gerad Siciid1392–1409 

8Gerad Ahmed1409–1430 

9Gerad Siciid II1430–1450 

10Gerad Mohamud II1450–1479 

11 Gerad Ciise II 1479–1487 Father of Gerad Ali Dable. 

12Gerad Omar1487–1495 

13Gerad Ali Dable1491–1503 

14 Gerad Liban 1503–1525 Eldest son of Gerad Ali Dable. 

15Gerad Yuusuf1525–1555 

16Gerad Mohamud III1555–1585 

17Gerad Abdale1585–1612 

18Gerad Ali1612–1655 

19Gerad Mohamud IV1655–1675 

20Gerad Naleye1675–1705 

21Gerad Mohamed1705–1750 

22Gerad Ali1750–1789 

23Gerad Mohamud Ali1789–1830 

24Gerad Aul1830–1870 

25Gerad Ali Shire1870–1897 

26Sultan Mohamoud Ali Shire1897–1960 

27Sultan Abdul Sallan1960–1997 

28Sultan Siciid Sultan Abdisalaan1997–present 

Warsnagelinimadii iyo asalnimada Caleed ee oo ku hadhay Warsangeli Abgaal.
Waxa kale oo labada Warsnageli wadaagaan SHIRIB ama SHIRBE. Warsangeli Waqooyi waxay tuntaan SHIRBE, halka Warsnageli Koofuureed tunto SHIRIB.
Walina waxad ku arkaysaa Warsangaliga waqooyi qoysas magacyadoo Shiribka/ Shirbaha la xidhiidhaa sida” Hebel Shirbeeye”.
Inkastoo qaabka iyo hannaanku loo kala ciyaaro isbedelay laakiin weli waxay heystaan asalkii ereyga oo u gaara labadaa Warsangeli Caleed

“Warsangeli Caleedow Cadaliyo Calmadow ciideenna Hooyo waaye
Si kastaba taariikhdu ha u dhigto laakiin waxaan aan shaki ku jirin in Hartiga Warsnageli Caleed ee Abgaal iyo Harti Warsangeli Caleed ee Waqooyi ay is leeyihiin oo iska xigaan dad badan. Xigtanimadooda iyo is lahaashohoodu waa mid soo jirtay oo jiri doonta.

Fiidiyoga hoose ka arag halkan goobta uu Laashin Xuseen Weershe ku halqabsanayo

Guurow Beesha Warsangeli Caleed Daqiiqada 00:53

Caaqil Dhahar, Allah ha u naxariistee wuxuu ahaa CAAQILKII GUUD EE BEESHA WARSANGELI
oo caddoowga (galabnimaddii) Duulaanka Dhahar ula caraabaayey
Warsangeli Caleed waxuu ahaa, Nimana La cawryaayo
Caada lagu yiqiin baa jirtoo, Cidina Moogeyne
Carrunkiisu meehuu ku baxo, Waw cabiranaayey
Caradana waxaa lagu fadhaa, Caarad warameedi
Caafimaad Ilaahow ku sii, Cayimiyaa tahaye

Warsnageli Caleed ee Abgaal waa tan Casha uu ka yimi ee weli goofku uga banaan yahay:

Laashin Xuseen Weershe marka xigga oo uu Warsangeli Caleed shiribka u tumi doono ama shirbeyn doono waxaan rajeyneynaa in uu Cal iyo Sanaag ay noqon doonto. Abwaan ama laashin Cal oo ah taad fiidiyowga ka aragto waa dhulkaaga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*