29th March 2024  admin  Category :

UNSOM oo ka hadashay booqashada uu James Swan ku tegey Garowe

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay booqashada uu ku tegey ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee dalka Soomaaliya James Swan magaalada Garowe  xarunta Maamulka Puntland.

James Swan waxa uu kula kulmay magaalada Garowe Madaxweyne Sacid Cabdulahi Deni iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada ayaa lagu yiri qoraalka.

Booqashada uu ku tegey Garowe Swan ayaa ahayd tii ugu horeysay ee uu ku tago magaalo aan ahayn caasimada dalka ee Muqdisho tan iyo markii uu la wareegay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya 25kii June ee sanadkan.

“Waxa uu u doortay Garowe in booqashadiisii ugu horeysay ay noqoto ayaa ah iyadoo Puntland ay tahay Maamul goboleedka ugu horeeyay ee laga dhiso Soomaaliya sanadkii 1998dii,isla markaana hogaamiyaasheeda ay door weyn ka ciyaarayaan horumarka dhinaca federalka ee socda.”ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaan ku faraxsanahay booqashada Puntland waxaana aan la qaatay wadahadal miro dhal ah Madaxweyne Deni iyo xubno ka mid ah maamulkiisa.”ayuu yiri James Swan.

Ergeyga Qaramada Midoobay James Swan ayaa xusay in kulankii uu layeeshay Madaxweyne Deni ay iskula soo qaadeen xiisada ka dhex jirta Puntland iyo Somaliland ee arrimaha Sool iyo Sanaag.

“Waxaan ugu baaqayaa Maamulada Puntland iyo Somaliland inay wadahadal ku xaliyaan khilaafka u dhexeeya ee gobolada Sool iyo Sanaag.”ayuu yiri James Swan.

Wafdiga Swan ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa Hay’adda OCHA Justin Brady, Madaxa WFP ee Soomaaliya Lauren Bukera iyo Masuuliyiin kale,waxayna soo booqdeen mashaariic ay hay’ada WFP ka fulineyso Garowe kuwaasoo ahaa beeralay ku waraabsanaya beerahooda quwada laga dhaliyo qorraxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*