16th April 2024  admin  Category :

Laacibka kaciyaara rubaca danbe kubada cagta ee kooxda San Francisco 49ers  Colin Kaepernick ayaa diiday inuu u istaago heesta astaanka qaranka Mareykanka oo la qaado ka hor inta aysan cayaaruhu bilaabanin.Cayaaryahankani wuxuu si cad u sheegay inuusan xurmaynin una istaagaynin calan dalkiisu cadaadiyo madowga iyo dadka kale ee ka midab duwan.

“Uma istaagayo sharafna uma muujinayo calan dal cadaadiya dadka madowga ah iyo kuwa kale ee ka midab duwan,” ayuu saxaafada kuyidhi Kaepernick.

“Aniga arintan waa mid igala weyn cayaarta kubada cagta,waxa ayna igu noqonaysaa sharaf daro inaan sida kale u arko,” ayuu markale yidhi cayaaryahanku.

Colin Kaepernick oo la sheegay inuu yahay iska dhal ay soo korsadeen qooys cadaan ah ayaa ka xun midab kala sooca kajira dalka Mareykanka iyo dilka badheedhka ah ee boolisku ugaysto dadka madowga ah.

“Hadii ay cayaarta kubada cagta iga joojiyaan,waxaan ogahay inaan u istaagay oo taageeray wixii saxda ahaa.Maydadkii oo dariiqyada daadsan ayaa fasax lacag wata la siinayaan kuwii dambiga gaystay loomana qabto dambigaas ,”ayuu markale yidhi Colin Kaepernick.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*