26th April 2024  admin  Category :

Ufayn waxay kamid tahay Degmooyinka wax soosaarka Puntland, marka laga hadlayo habka looga faa’iidaystay khayraadka Dabiiciga ah iyo Dalaga la beero labadaba.

Warbixinta waxa diyaariyey weriyaha loogu hadal haynta badan yahay sida uu wararka u soo tebiyo Maxamed Xasan Dhalo

Image may contain: mountain, sky, tree, plant, grass, outdoor and nature
Image may contain: mountain, tree, plant, outdoor, nature and water
Image may contain: mountain, sky, outdoor and nature

One thought on “Ufayn gobolka Bari

  1. Mahamoud Wardere

    Waxaan ahay in reer waamo ah mala is lahayn meel aan jubbada hoose ahayn ayaa sidaas u quruxsan Soomaaliya.. ufayn waxaan tegay 1986 anigoo will dhalin yaro ah- waxaan ku xusuustaa. waa sanadkii uu M. Siyaad Barre shilka galay oo loo qaaday Sacuudiga anigoo ufayn jooga. Lix mise saddex bilood midkood ayuu ku maqnaa daawo. Xiddig seen dheerna xilligaas waa la arki jirey habeenkii waqti danbe. waxaa kaloo is dagaalay Qadaafi iyo Reegan xilligaas. Weiye Dhalo ma uusan dhalan waqtigaas laakiin waxaa uu i hor keenay xusuustaydii Ufayn ee 1986.Woow
    Waan soo jeclaaday waxayna igu reebtay xusuus aan dhamaan. waxaan ka helay ciideeda quruxsan. Masaajidka wanaagsan,dadkeeda wanaagsan iyo biyo nadiif ah oo aan go’ayn. Una baahnayn shidaal iyo koronto iyo dayactir badan. Waa meesha keliya oo aan ku arakay tuubo qasabad 24 saacadood iska socota. Waan arkay buuraha quruxsan ee ku xeeran iyo wax soosaarkeeda. laakiin in yar baan joogay. fursad uma helin in aan soo arko meesha biyaha ka yimaadaan. Golayaal badan ayaan ka sheegay quruxda iyo qiimaha iyo cajaaibta magaalada Ufyn. Dad badan waa rumaysan waayeen. Waan ka xumaaday markii wadada laamiga uu mari waayey waayo Jacayle badan ayaan u qaaday Ufayn. Laakiin waxaan isku qanciyey in ay sidan u fiican tahay oo sii ahaato dahab qarsoon. Weriyaha waan u mahad celinayaa in uu natusay magaaladii oo weynaatay iyo meesha biyaha ka yimaadaan iyo odayga maamula laakiin waxaa uu iloobay in Marwooyinka Ufayn ay aad u wanaagsan yihiin ciddii nasiib iyo calaf u hesha. Waxay ii ahayn meel ii qarsoon oo aan markaan qurbaha ka soo laabto dego oo ku nasto kun raaxaysto laakiin maanta waxaa sirtii bixiyey Weriye Mahamed Xasan Dhalo oo kashifay quruxdii qarsoonayd ee Ufayn. Waxayba u qalantaa caasimadda Soomaaliya.

    Reply

Leave a Reply to Mahamoud Wardere Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*