19th April 2024  admin  Category :

Lix qabiil oo Waqooyiga degan ayaa la kala galay Ingiriiska lix heshiis [xagga hoose ayaa lixda heshiis ku qoran yihiin]. Qabiilka Dhulbahante iyagu wax heshiis ah lama gelin Ingiriiska oo waxay ku hoos yimaadeen Ingiriiska heshiiskii jeexida xudduuda Italian Somaliland iyo British Somaliand. Qabiil Isaaq la yidhaahdo oo wada socda oo heshiis la galay Ingiriiska ma jirin. Ma jirin wax la yidhaahdo “Somaliland” dad metelaya oo wada socda oo heshiis la wada galay Ingiriiska. Ereyga “Somaliland” wuxu ahaa magac ay dawlada Ingiriisku maamulka qabaa’ilka ay heshiiska la gashay iyo Dhulbahante ay ula baxday dhulkii ay deganaayeen iyadoo magacaa markii u horeeyey, maadaama “Dhul Soomaaliyeed” uu u taagan yahay, loo isticmaalay Koonfurta iyo magaalooyinka Baraawe.

Qabaa’ilka Waqooyigu xorriyada kuma qaadan in ay ka mid noqdaan dal xor ah oo “Somaliland”la yidhaahdo. Markii xorriyada Waqooyiga la siinayey dawlada Ingiriisku waxay siyaasiyiintii Shirkii Dastuurka ee May 1960 u sheegtay in aaney heshiis la gelin wax la yidhaahdo “Somaliland” oo siyaasiyiin metelaan sidaa darteed aaney xorriyad sharciyan sidaa ku bixin karin. Dawlada Ingiriisku waxay siyaasiyiintaa ka dalbadeen iney dib ugu noqdaan qabaa’ilka heshiiska lala galay iyo Dhulbahante, oo kaga mid noqday maamulkii Ingiriisiga ka dib markii Talyaaniga iyo dalwada Ingiriisugu kala saxiixanayeen heshiiskooda xadka, oo weydiiyaan waxa ay rabaan.

Siyaasiyiintaa xornimo ayaanu rabnaa ku yidhi Ingiriiska ma laheyn awood ay ku joojiyaan ama baxaan heshiisyadii qabaa’ilka lala galay, maadaama aaney iyagu saxiixin. Wasiirkii Isticmaarku wuxu amray kuwii metelayey “Somaliland’ in ay soo caddeeyaan waxa qabaa’ilku rabaan si heshiiskaasi meesha uga baxo. Markii siyaasiyaantii dib loo soo celiyey iyadoo taa shardi lagaga dhigayo ayaa Odayaashii heystay awooda saxiixu caddeeyeen in aaney rabin Xornimo iyodawlada “Somaliland” la yidhaahdo oo keliya laakiin ay rabaan xornmimo iyo Dawlada Soomaaliyeed oo mideysan(Independence and Union With Somalia).

Maamulka Isaqland ee Hargeisa marin habaabinta uu wado oo ah in xorrnimada lagu helay wax la yidhaadho “Somaliland” oo xor u noqatay iney keligeed istaagto oo markaa “Italian Somaliland” lala midowday waa mid ka hor imaneysa xaqiiqada sharciga ah ee maanta caalamka meel kasta taala oo ah in wax “Somaliand” la yidhaadho aaney weligeed si cad xorriyad uga qaadan Ingiriiska iney noqoto dal madaxbanaan. Arrinta beenta ah ee Isaqland sheego oo ah waa nala aqoonsaday iyada adduunku waa la yaabaa beenta iyo indha-adayga ay aqoonsiga ku raadsanayaan maadaama ay meel kasta yaaliin caddeymaha muujininaya sidii xornimada loo siiyey qabaa’ilkii deganaa Waqooyiga iyo in aaney jirin cid weligood aqoonsatay; tahniyadihii meelaha qaar ay u soo direen qab’aailkaa Soomaaliyeed ee xorriyadoodii ku helay iney la midoobaan “Italian Somaliland” ayey ka dhigaan mid lagu aqoonsaday. Ma oga in aaney adduunka khaldin karin oo ay u fiican tahay iney xaqiiqda sheegaan hadday wax aan soconeyn xitaa raadsanyaan.

Si sharciyan loo helo magac ka duwan “British Somaliland” ayaa markay odayaashi ogoladeen“Xorriyad iyo Midnimo Soomaaliyeed” aya dawlada Ingiriisku si taxdir le u isticmaashay ereyga “Somaliland”, oo “British” laga reebay, si ay fuliso wixii ay tahay in ay kaga baxdo dhulkaa iyo sharciga dhawrka cisho oo “Italian Somaliand” xornimada qaadaneyso ay sii hoos geliyaan. Marna, xitaa shantaa cisho, magacaa looma adeegsan oo uma taagneyn wadan madaxbaanaan. Dal la yidhaadho “Somaliland” oo xornimo ku helay shuruud la’aan sida aanu weligii u jirin ayey maantana tahay in aan la keeni karin wax “Somaliland” la yidhaahdo oo wada socda oo “Koonfur” ama “Italian Somaliland” la hadlaya.

Waxa jiray qabaa’il “British Somaliland” hoos imanayey oo madaxbaanin ku helay in ay la midoobaya “Italian Somaliland”. Shardiga xorriyada lagu helay oo ah midnimada Soomaaliyeed xaq uma le qabiilka Isaaqa keligii intuu dib ugu noqdo 1960 in uu markaa meel kasta ka sheego tan xornimada ookeliya. Xorriyada iyo midowga siday markaa u wada socdeen ayey u wada soconayaan ama qabiil kastii aayihiisu ka tashanayaa. Sidaa darteed Dawlada Federaaligu waa in aaney meesha marna keenin wax aan jirin xitaa 1960 oo dawlada Ingiriisku diiday oo ah in Isaqland metelaan qabaa’ilkii British Somaliland oo dhan, waa haddii Dawlada Federaalku aaney rabin in Soomaali sii kala go’do oo qabiil kastii dawlad noqdo.

Suldan Mohamud Ali Shire Sultan of Warsangeli Daarood Darod Somalia

Sultan Mohamud Sultan Ali-Shire Sultan Muhammad(Suldaan Maxamuud Suldaan Cali-Shire Suldaan Maxamed), Sultan of Warsangeli

Warsangeli Heshiiska uu la galay Boqortooyada Ingiriisku waa ka duwan yahay heshiisyada kale oo dhan marka la eego xagga awooda saxiixa, madaxbanaanida loo ogolaa, maamulkood gaarka ah iyo qodoba kale u ku jira heshiisyada qabaa’ilka kale oo laga saaray ama waxa laga bedelay markii Warsangeli lala gelayey.

Dhulbahante heshiis lama gelin Ingiriiska; Odayaasha Ardaaga Warsangeli iyaguna wax kasta oo loo keenay qalinka kuma ay duugine waxay si adag u dalbadeen in qodobada Ingiriisku la yimi ee qolooyinka kale aqbaleen in qaar gebi ahaan laga saaro oo aanay aqbaleyn, qaarna wax laga bedelo iyo in iyagu qaar ku soo darsadaan.

Heshiiska Warsangeli waa kan keliya oo uu saxiixay Suldaan Guud oo loo aqoonsan yahay hogaanka qabiilkiisa iyo maamulka dhulkiisa.

Heshiisyada kale odayaasha saxiixayaa ma le awoodaa, loomana aqoonsan markay wax saxiixayeen. Aqoonsiga la siiyey Suldaanka iyo Maamulkii Ardaaga Odayaasha Warsangeli si loo dhawro nidaamkoodii ismaamulka ee casriga ahaa waxa Ingiriiska khasab ku noqotay inuu si gaara ula galo wada hadal Odayaasha Warsangeli. Taasi waxay keentay in heshiiska Warsangeli laga ilaaliya waxkasta oo xornimadooda, maamulkooda, ku xadgudubka dhulkooda iyo iska soo gelida badooda laga ilaaliyo. Waa laga wada saaray heshiiska Warsangeliga qodobada heshiisyada qabaa’ilka kale ku jira ee wax u dhimi kara arrimahaa.

Heshiiska  Warsangeli waxa laga saaray odhaahda “the maintenance of our independence, the preservation of order …… ”  oo ah in xejintta xornimada iyo ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta dhulka gacanta loo geliyo Dawlada Ingriiska. Qabaa’ilka Waqooyiga ee heshiisyada saxiixay way ogalaadeen taa laakiin Odayaasha Ardaaga Warsangeli waa diideen waana laga saaray heshiiskooda. Warsangali waxaa loogu bedelay, hadday baahiyi timaado, in Warsangeli gacan siin doonaan hawlaha gaarka ee sarkaalkaa loo diro iyagaa ka wada shaqeynaya iyaga iyo Warsnageligu arrimaha caddaalada,  horumarinta kheyraadka dalka, ganacsiga, iyo arrimaha la xidhiidha nidaamka, dawlad wanaaga iyo horumarinta guud ee ilabxnimda caalamka. Faahfaahintaa dheer oo tilmaamay sida dawlada Ingiriisku u aragtay in ay Warsangeli yihiin maamul adduunka wax ku soo kordhin kara oo ay aqoonsatay nidaamka iyo horumarka Saldanada Maakhir gaartay ayey garteen iney heshiiskooda sidaa u dhigaan oo deegaanka maakhir ka dhigaan “country” halka heshiisyada kale laga dhigay qabiil wax  lala saxiixda oo laga xayuubiyey xornimadoodii oo Boqortooyada Ingiriisku ilaalineyso.

Maadaama awood xagga badda ah oo weyn Warsangeligu ay lahaayeen Ingiriisku wuxuu kaloo ka saaray odhaahda “All vessels under the British flag shall have free permission to trade at all ports and places within …“ oo ah in maraakiibta wadata calanka Ingiirsku la siiyo ogalaasha furan oo ah iney siday doonaan uga ganacsan karaan xeebaha iyo goobaha qabiilka. Maadaama nidaam iyo kala dambeyn ay leedahay Saldanada Maakhir waxay diideen in ay Boqortooyada Ingiriiska uu ogalaadaan iney maraakiibtoodu xeebahooda iska soo galaan oo dhulkooda ka ganacsadaan iyagoo aan ogolaasha Odayaasha Ardaaga Warsangeli ka heysan. Laakiin qabaa’ilka kale dhulkooda iyo xeebahooda sidii la doonaa laga yeelayey.

Waxay kaloo Ardaaga Odayaasha Warsangeli xilligaa dalbadeen in aan heshiiskoodu noqon mid furan oo suldaanada isbedelayaa dhaxlaan. Waxay diideen odhaahda qabaa’ilka kale oo dhan heshiisyadooda la raaciyey oo ah in iyaga iyo kuwa ay sii dhalaan oo dhulka dhaxli doonaa ay khasab ku tahay iney ilaaliyaan heshiiskaa waa ” their heirs and successors .”

Waxa la yaab le xeel-dheerida iyo garashada fog ee Ardaaga Odayaasha Warsangeli ee xilligaa. Maanta looyarada joogaa sida ay
Ardaaga Odayaasha Warsangeli heshiiskoodu ugu adkeysteen inuu ka duwanaado qabaa’ilka kale iyo in aan ismaamulkooda la taaban karin oo xornimadooda wax loo dhimin, in sidii dal “Country”loola galo,  in aan doonyaha iyo maraakiibta Ingiriisku iska soo geli karin dhulkooda, in aan dadka hoos yimaada Boqortooyada Ingiriiksu iska dhex mari karin iyo inaan heshiisku noqon mid furan oo Sultaan uu Sultaan ka dhaxlo.

Heshiiskaa Odayaasha Ardaaga Warsangeli ka shaqeeyeen xilligaa maanta ma sameyn karaan kuwa jooga oo xirfadaa iyo xeel dheeridaa la yaab kale oo ay xitaa ku darsadeen awooda ah in haddii Suldaan cusubi yimaado oo Ardaaga Odayaasha Warsangeli iyo Suldaanku isla gartaan in ay ka baxaan ay jebin karaan halka Soomaalida kale ay khasab ku tahay iney weligood Boqortooyada Ingiriiska ku hoos jiraan.

 

———————-ENGLISH VERSION———————————

British Colonial Treaties with Somali Clans in the North British Treaty with Somaliland Tribes

The British Government have signed protection treaties with six Somaliland tribes: Gadabursi, Eesa, Warsangeli, Habr Gerhajis, Habr Toljaala and Habr-Awal. All articles in the Agreements and the Supplementary Agreements signed with the Somaliland tribes are the same except the Warsangali one.

The Warsangeli treaty is singed by Garad[or traditional leader] fully representing his tribe. All other Somaliland tribes treaties with the British Government are singed by different elders not fully representing the whole tribe.  Some sigficant articles giving full power to Britain over the tribe are removed from Warsangeli treaty.

–The Warsangali treaty doesn’t contain the preamble, “the maintenance of our independence , the preservation of order …… ”, that precedes every treaty which puts the independence and maintenance of the order of the tribe’s territory in the hands of British Government.

The Warsangali treaty is added an extra article[LOOK ARTICLE VI OF THE WARSANGALI TREATY BELOW] indicating that Warsnagali will assist the British officers and follow their advice for ” .. duties as my be assigned to them, and further act upon their advice in matters
relating to the administration of justice, the development of the resources of the country, the interests of commerce, or in any other matter in relation to peace, order, and good government, and the general progress of civilization. “
–No tribal area is referred as “COUNTRY” except theWarsangali territory.

ARTICLES I, II and III are removed from the Warsangali Treaty.
ARTICLE III in the Warsnagali Treaty is similar to ARTICLE II in HABR GERHAJIS and Habr Toljaala Treaty but it doesn’t contain “All vessels under the British flag shall have free permission to trade at all ports and places within …”

The conclusion of every agreement, except the WARSANGALI TREATY, indicates that the treaty will be abided by the elders currently signing and “their heirs and successors”


HERE IS THE WARSANGELI TREATY WITH THE BRITISH GOVERNMENT:

TREATIES, &c., between the Warsangalis (British Protection; Slave Trade; Wrecks: &c.). – January 27, 1886


The British Government and the Elders of the Warsangali tribe who have signed this Agreement being desirous of maintaining and strengthening the relations of peace and friendship existing between them;

The British Government have named and appointed Major Frederick Mercer Hunter, C.S.I., Political Agent and Consul for the Somali Coast, to conclude a Treaty for this purpose.
The said Major F. M. Hunter, C.S.I., Political Agent and Consul for the Somali Coast, and the said Elders of the Warsangali, have agreed upon and concluded the following articles:-

ART.

I. The British government, in compliance with the wish of the undersigned Elders of the Warsangali, undertakes to extend to them and to the territories under their authorities and jurisdiction the gracious favour and protection of Her Majesty the Queen-Empress.

II. The said Elders of the Warsangali agree and promise to refrain from entering into any correspondence, Agreement, or Treaty with any foreign nation or Power, except with the knowledge and sanction of Her Majesty’s Government.

III. The Warsnagali are bound to render assistance to any vessel, whether British or belonging to any other nation, that may be wrecked on the shores under their jurisdiction and control , and to protect the crew, passengers, and cargo of such vessels, giving speedy intimation to the Resident at Aden of the circumstances; for which act of friendship and good-will a suitable reward will be given by the British Government.

IV. The Traffic in slaves throughout the territories of the Warsangali shall cease for ever, and the Commander of any of Her Majesty’s vessels, or any other British officer duly authorized, shall have the power of requiring the surrender of any slave, and of supporting the demand by force of arms by land and sea.

V. The British Government shall have the power to appoint an Agent or Agents to reside in the territories of the Warsangali, and every such Agent shall be treated with respect and consideration, and be entitled to have for this protection such guard as the British Government deem sufficient.
VI. The Warsangali hereby engage to assist all British officers in the execution of such duties as may be assigned to them, and further to act upon their advice in matters relating to the administration of justice, the development of the resources of the country, the interests of commerce, or in any other matter in relation to peace, order, and good government, and the general progress of civilization.
VII. This Treaty to come into operation from the 27th day of January, 1886, on which date it was signed at

Bunder Gori by the Undermentioned.

F. M. Hunter

Witness:

J. H. Raintier, Commander, R. N.

Muhammad Mahmud Ali, Gerad of all the Warsangali.

Jama Mahmud, Reer Garaad
Muhammad Ibrahim, Reer Garaad
Omar Ahmed, Reer Garaad
Mahmud Abdullah, Reer Garaad
Yusuf Mahmud, Reer Garaad

Nur Abdullah, Reer Faatax
Isa Adan, Reer Faatax
Muhammad Ali Shirwa, Reer Faatax
Abdy Nur, Reer Faatax

Muhammad Abdi Nalaya, Ogeyslabe
Mahmud Sagully, Ogeyslabe
Abdullah Sagully, Ogeyslabe
Muhammad Abdulah, Ogeyslabe

Taariikhda iyo Maamulka Maakhir ee Puntland

 

Sawirkan hoose waa Sultan Mohamoud Sultan Ali-Shire, Sultan of Warsangeli, oo Queen Elizabeth II ay bilad gudoonsiineyso sannadkii 1954.

SultanandQueenAden3

Waa suldaanka keliya oo Soomaaliyeed oo dadkiisa iyo deegaankiisu noqdeen Soomaalida ugu maamulka iyo kala dambeynta wanaagsan oo gaadhay iney hab nabadeed kula noolaadaan qaba’iilkii la deganaa. Taasina waxay keentay, oo Soomaali oo dhami u qirtaa, in dadkii maamulada dawladihii Soomaalida soo galay oo ka soo jeeday Warsangeli inay ka qabyaalad yaraayeen, ka daacad sanaayeen, ka dhib yareeyeen badankoodu marka la barbardhigo Soomaalida. Taasina waxay keentay in Soomaalidu markay is dilayeen, Waqooyi ilaa Koonfur, Warsangeligu noqdeen qabiilka keliya oo aan Soomali godob u sheegan oo nabad gala, inkastoo marmar waxmagarato keeneen iney taa jebiyaan.

Alfurqan School Badhan, Sanaag, Puntland, Somalia

Maamulka Isaqland ha ogaadeen ind ardayda, carruurta, ciroolaha iyo cid kastii ka hor iman doonto.

Xillayadii Ingiriisku u talinayey Soomaalida, isagoo xitaa mudo dhamaan dhulka Soomaalidu degto gacanta ku wada hayey, wuxu Soomaalida ku soo rogey sharci loo yaqaaney “Collective Punishment” oo ah haddii dembi deegaan lagu galo oo aan guurtideedu waxba ka qaban waxay dhamaantood noqonayaan dembiilaayaal. Si taa loo fuliyo qabiilka soo gudbin waaya dembiilihii dhibta geystey waxa loo diri jiray ciidan. Ciidankaasi geeloodana waa ka soo qaadi jirey, oo haddan odayaashooda soo xidhxidhi jiray. Waxa geela iyo odayaasha loo sii deyn jiray markay dembiilaha soo gacan geliyaan. Maamulka Ingiriisku wuxuu u tilmaami jiray guurtidaa iyo dadkaa sidaa u dhaqmaya oo ka adkaan waayey nabadeynta dadkooda iyo deegaankooda iney ku deydaan oo wax ka bartaan siday u shaqeyso Saltanada Warsageli, halkaas oo aan Ingiriiska kharaj ciidan iyo ilaalin nabadeed kaga bixi jirin.

Sultan Maxamuud Sultan Cali-Shire sawirkiisani wuxuu ku soo baxay  baalka hore ee dibeda(cover pageka) cadadkii warsidihii August 1960 ee “History Today” ee Ingiriiska ka soo baxay. Doorashada sawirkiisa waxa sabab u ahayd Saltanaduu hogaaminayey oo ahayd mid maamul wanaageeda iyo kala dambeynteeda, marka la barbardhigo dhulkii Soomaalida ee Ingiriiska toos u hoos imanayey, aan la gaadhi jirin. Hab barlamaani wadatashi ku saleysan oo loo yaqaaney “Ardaaga Odayaasha Warsangeli” oo ay xubno ka ahaayeen ruug caddaayada beeshu, isagoo Suldaanku gudoominayo, ayaa ka talin jiray Maakhir.

SultanMohamudAliShire-1960-August History Today

Heshiiska Warsangeli iyo Ingiriis dhex maray wuxuu ku yimi wada hadal gaar ah. Halka qabaa’ilka kale iyaga la qabsaday oo qodobada heshiisyadooda lagu daray in loo talinayo,  heshiiska Warsangeli lala galay waa laga soo saaray qodobka u talinta, waa laga saaray qodobadii la xidhiidhay socodka maraakiibta wata calamada Ingiriiska oo xeebaha iska soo geli kara iyo qodoba kale oo Warsangeli madaxbanaanidooda wax u dhimi kara. Maamulka Maakhir waxa loo daayey Ardaaga Saltanada Warsangeli maadaama ay ahayd nidaamka keliya ee Waqooyi ka jiray oo ku saleysnaa hab baarlamaan ah loo yaqaanay “Ardaaga Odayaasha Warsangeli” oo wixii Maakhir ku yimaada qaadaa dhigi jiray, Suldaan gudoon adag uu gudoomin jiray, gaadh-haye nabada iyo dhulka beesha ilaalin jiray uu fulin jirey go’aanka ardaaga ka soo baxa, kala dambeyn iyo xasiloon joogta ah keeni jirtay, xidhiidh dibadeed iyo mid gude oo tixgelin ku saleysan dejin jirtay, iyo ganacsi xor ah. Sababtaas ayey ahayd in Soomaali badani halkay ku faani jireen “reer hebel baanu is dilin jiray oo geel ka dhici jirnay” ay Warsangeligu, iyagoo Soomali badani u qireyso, ay ku faanaan xidhiidh wanaag iyo istixgelin deriskooda ay kula nool yihiin. Geel baanu reer hebel ka dhici jirney iyo intaa oo qarni ayaan reer hebel dagaal kula jirnay kuma jirto taariikhdooda.

Warsangeli taariikhdooda nabadeed, qabyaalad yaraantooda iyo kula noolashaha walaaltinimo ee dhextaalay iyaga iyo qabaa’ilka Isaaqa iyo Hartiga kale ee la dega waxa maanta daacuun ku ah maamulka Isaqland oo iska dhigaya inuu Reer Maakhir cagtooda hoostooda gelin karo laakiin ilawsan in ay godob gelayaan hadday go’aansadaan iney dadkaa nabad jecel gardareystaan oo ku kalifaan iney qorigooda, yar iyo weyn, wada qaataan.

Taariikhdu markay ahayd 1848 ayaa Reer Maakhir lagu kalifay dagaal oo qolo dhib u geystay laga war helay iney u carrareen Yemen. Go’aankii Ardaaga Odayaasha Warsangeli wuxuu noqday in aan shacabka gudaha degan aan waxba loo dhimin laakiin dembiilayaashaa Yemen lagaga daba tago oo ciidan badda laga gudbiyo. Suldan Maxamuud Cali ayaa 1854 markuu Speke  la kulmayo u gudbiyey cabasho diblamaasiyadeed oo ah fara gelintii qaawan ee Ingiriisku doonyaha Warsangeli askartooda Yemen ku geeyeen ay kula wareegeen, joojinta iyo ishortaaga ay Ingriisku ku sameeyaan ciidamada Warsangeli oo doonyaha ku gudba iyo xidhiidhkii military iyo maamul oo ay la lahaayeen Yemen soo fara gelintooda iyo wiiqida, Ingiriisku sababayo, awoodii Warsangeligu ku lahaayeen xagga badda oo aan Soomaali oo dhami gaari jirin. Speke mar uu taa ka hadlayo wuxuu yiri “The Warsingali complained to me sadly of their decline in power since the English had interfered in their fights with the Habr Teljala, which took place near Aden about seven years ago, and had deprived them of their vessels for creating a disturbance, which interfered with the ordinary routine of traffic. They said that on that occasion they had not only beaten the Habr Teljala, but had seized one of their vessels; and that prior to this rupture they had enjoyed paramount superiority over all the tribes of the Somali; but now that they were forbidden to transport soldiers or make reprisals on the sea, every tribe was on an equality with them.” Speke, 1854. Markaa Warsangeli doonyaha ciidanka ku guri jiray oo Yemen ka soo dagaalami jiray, si ay gacanta ugu soo dhigaan dembiilayaasha halkaa u baxsaday, Soomaalida kale dhexdooday isku mashquulsanaayeen iney is dilaan ama geel kala dhacaan.

Waxa kaloo ku cad heshiiskaa Warsangeli in uu yahay mid laba maamul wada galeen, halka heshiisyada kale xitaa aanu jirin mid Sultan la aqoonsan yahay saxiixay ee dad la isku keenay oo loo sheegay in Boqortooyada Ingiriisigu u talin doonto maanta laga bilaabo ay saxiixeen.

Dhismaha sawirkan hoose waa magaala xeebeedka Laas Qoray. Dabaqyadan aad arragto waxay ka mid yihiin dhismayaasha taariikhiga ah. Maamulka Saldanada Maakhir, halka dawladaha adduunku leeyihiin “Villa Somalia” iyo “White house”, xilligaa waxa “Guriga Cad” ee Warsangeli loo yaqaaney SHAACA. Magaca SHAACA ee goobta gudoonka ka dhacayo loo yaqaaney waxay ku tusinaysaa deganaanta maamulka Ardaaga Odayaasha Warsagengeli iyo gudoonkooda. Waxay muujineysaa in Reer Maakhir ka gudbeen xilli ay geed hoos fariistaan oo wada-tashigooda ku qabsadaan oo gaadheen iney dhistaan dabaqyo ay arrimahooda kaga wada hadlaan oo uu maamulkoodu ka soo baxayo sida “Guriga Cad” iyo “Villa Somalia.”  Halka Soomaaliya guriga looga taliyaa, waa “VILLA SOMALIA”, xambaarsan yahay macne guumeysi Talyaani muujinaya kan Reer Maakhir looga talin jiray wuxuu xambaarsanaa bandiirad xornimo iyo gumeysi la’aan ku saleysan macne qoto dheer iyo ujeedo culus oo ah nuurkii caddaalada iyo golahay sinaantu ka soo shaaceysey ama iftiimeysey. Sidaasaa Saldanada Maakhir goobtaOdayaasha Ardaaga Warsangeli iyo Gudoonkoodu talada ku goyn jireen loogu bixiyey“SHAACA” oo ah “Guriga Cad” ee Maakhir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*