29th March 2024  admin  Category :

Taakeeye oo banaanka keenay sababta ay Soomaali isu aamini la’dahay

Nin Soomaaliyeed oo lagu magcaabo Taakeeye oo lagu soo eedeeyey inuu ka mid ahaa Serial killers ka howl geli jiray magaalada Muqdisho sanadkii 1991, ayaa banaanka keenay sababta Soomaalidu isu aamini la’adahay oo ay Huuhaada isugu sheekeeyaan.

Soomaalidii aan aan ka soo jeedin Beesha Hawiye ee ka shaqayn jiray radiyo Muqdisho dhamaantood waxay isku raaceen inuun Taakeeye ahaa Serial killerkii ama dilaagii ka howl geli jiray radiyo Muqdisho oo dilay Weriyaal badan

Labaddii weriye ee ugu danbeeyey ee ka shaqayn jiray Radiyo Muqdisho oo qiray in Taakeeye ahaa Serial killerkii ka howl geli jiray radiyo Muqdisho ayaa ka soo hadlay Jabuuti iyo Boorame oo dhowr kun oo km u jira magaalada Muqdisho. Halka ilaa hadda ayna ka hadlin shaqaalihii radiyo Muqdisho ee ka soo jeeda beesha Hawiye, ilaaladdii uu la shaqayn jiray , wasiirkii adeerka u ahaa eeuu ilaalin jiray iyo Odayaashii reerkiisa ahaa ee hadda ka war helay denbiga isir nacaybka ah ee u gaystay Wiilkooda jabahadda USC Qoysas badan ee Soomaaliyeed.

Arintani Taakeeye oo qura kuma koobna xasuuqyo badan ayaa ka dhacay Soomaaliya 1991.

Xasuuqii degmada Jalalaqsi, Hiiraan, oo ummad Soomaaliyeed oo markii horeba dhibaataysnaa oo cadow ka soo barakacay inta la xasuuqay Yaxaaska webiga Shabeele loo siiyey beesha ay ka soo jeedaan, 30 sano, ma jiro hal qof oo reer Jalalaqsi ah oo ka markhaanti kaca wixii dhacay

Kaantaroolka Baladweyne Isbaaro ayaa la dhigtay 1991, Soomaali badan oo qaxaysay oo Muqdisho uga soo qaxay Taakeeye iyo kuwa la mid ah ayaa Duhur cad Tobon tobon loo xasuuqayey, iyaga oo ay daawanayaan caruurtooda . Ilaa hadda ma jiro hal Qof oo ka markhaanti kacay Soomalidaa la xasuuqay

Jidka Muqdisho ilaa Kismaayo u dhaxeeya Soomaali badan oo baxsad ah oo fara maran ayaa lagu xasuuqay, ma jiraan ilaa hadda cid qiratay iyo cid ka xumayd oo ka hadashay Warbaahinta.

Ugu danbayntii Taakeeye wuxuu banaanka keenay sababta Soomaali isu aamin la’adahay iyo Munaafaqnimada ay ku wada joogaan. Inta xasuuq aynu soo sheegnay kuwii Gaystay oo Taakeeye labo aliflaha ka ahaa jabhadooda waa kuwa Maanta Muqdisho ku qaraabanaya magac siyaasadeed, mid diineed,mid ganacsi. Waa kuwa is qiiraysiiya oo inoo qaada Soomaaliyeey toosoo oo aynu ka wada dabo jiibino. Soomali waxay u baahan tahay dib u heshiisiin iyo in maxkamad la soo saaro kuwii denbiyada dagaal gaystay beel kasta ha ka soo jeedeene

Allsanaag.com

One thought on “Taakeeye Waa Tusaalaha waxa ka khaldan Soomaalida

  1. Jirac

    Maxaad ula yaabin Taakeeye Anakii bay jihadii naga dhuntay waxa aan doobeyno inaan completely bedelno waxaa weeye waxaa Allah nagu saladay kuwo liita oo liyiraah AaranJaan Markaan maqlay waxaa ii soo baxday 1998 iyo Reer Faroole inan yar baan ahaa markaas ayaa nin oday ah oo aan rabin inaan magacaabo wuxuu yiri “Walee jiilkiinaan shaqo culus baa idiin taal sidaad Garowe xukun oga hana qaadsiin laheydeen” si Aynan u noqon kuwo dhaqankooda macnaha “micno beela” markaas oo lagu salado hogaamiye xun dad baa ku dhintay habeenkaas walee maskaxdayda way ka sharqamin erayadaas culus 23 sano kabacdi puntland waxaa ka dhumay hogaan haduu yiraahda ama oran Kara waxaan ka go’in “Koonfurta Somalia ee aan waligii muqdhisho tagin” kuna adkaysta go’aankiisa waa la hubaa markaas ayuu soo noqon haykalkii dadkayaga ee maanta dhunsan oo lawada dhageysanayo TAAKEEYAYAAL umada xasuuqday oo Ina JABSADAY macnaha bartay goljilicdeena dadkeenuna isdhigtay. Ninyahow maxaa kadhigay dhiiganagaf raqiis Mar USC soo duusho 142 duulaan, kii ugu xumaana uu ahaa kii ABDI QAYBDID IYO CAYDID ku soo qaadeen 1991 kii iyadoo la’iska hurdo kuna xasuuqeen 513 qof ILAAH BAA KU DHAARTAYE waa xaqiiqa dhacday iyadoo la hurdo 4:00 am waxaas oo aan aheyn askar ee ah maati kabacdi markii lala dagaalay lagana saaray Galjacyo nabada la doorbiday SNM 73 Duulaan. Shaatiga Alshaydaan 181 odayayadii ugu caansanaa Gobalka mudug qaar Masjidka lagu dhex dilay qaarna qarax loo dhigay IWM. Gobalka Bari 1994-95 kii markii laga soo abaabulsy BURCO HASSAN AWEYS ee ay bossaso 3012 qarax ayaa ka danbeysay oo ay ku nafwaayeen in ka badan 5000 oo qof tiradii rasmiga aheyd ee iigu danbeysay waxay aheyd 2017 kii July. Gobalka Sanaag 3268 qarax markii iigu danbeysay tirintii 2017kii July waxaa ku naf waayey 7409 qof, waxaa ku barakay tenth of thousands of people. Gobalka SOOL tiro rasmiya oo la xaqiijinkaro waan waayey possibly 50,000 people been killed by SNM alone barakacunu close to 900,000 or a million waxaa u danbeeyey inankii askari baa dilay la yiri kabacdina aan arkeyney wixii ka danbeeyey ee quurdiga ahaa kuma fogaanayo iyaka taariikhda iyadaa isqorta. Waxaan garan waayey marka MA DHIIGAYAGAA RAQIIS AH waxaas waxaan u soo qaatay maanta kan dhiigyacabka ah ee la hubo ayaa laga jecel yahay kan wanaagsan. 2012kii baan go’saday inaan arimaha Somalida eegin ilaa 2022ka nasiib xumo COVID-19 baa dhacay oo inaku soo celshay inaan dib u eegno Somalia iyo khaasatan Puntland. Markaan arkay waxaas oo dhan waxaan ku soo gebogabeyn in bulshadeenu fahamto sababta dhiiganagu raqiis u noqday dhulkayagunu u dib dhacay inay tahay aamuska iyo daba oradka khaldan ee aan wali leenahay Reer puntland iyo Reer jubaland mar un bay wax fahmin oo lahelo hogaamiye qowl leh Ina kana reeba Hawiye iyo Isaaq hada aniga I’m ready in darbiyo la dhiso lagu kala badbaado waa lama huraan waayo I can’t take it this failure 1991-2021 wali dadkayaga dhoogooda la daadinayo shaati diineed loo soo gashanayo.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*