28th March 2024  admin  Category :

Suldaanka beesha Warsangeli Suldaan Siciid Cabdisalaam, ayaa maalmahan danbe Odayaal reer Maakhir ah  iyo qaar ka mid ah  siyaasiyiinta waxay leeyihiin,  Suldaanku wuxuu doonayaa in Isaga keligii Xildhibaanada reer Maakhir soo xulo,

Hadaba arintan maxaa ka jira?

Marka hore beelaha Warsangeli ee Xildhibanada baarlamaanka Puntland     ku leh,  ayaa waxay kala yiniin Aadan Siciid, Bih idoor iyo Bahwadaagtooda Bah Majeerteen iyo Bahwdaagtooda  , Dubeys, Gaashaanbuur, Reer Saalax  iyo Warlabe.

Beelaha Gaashaanbuur iyo Garaad Cabdale iyo bahwadaagtooda  maahee,  beelaha  kale ee Warsangeli ee Xildhibaanada baarlamaanka Puntland  ku leh  ayaa  waxay samaysteen Garaad, Islaan, Suldaan. Iyaga ayaana xor u ahaa inay soo xulaan Xildhibaankooda.  Suldaan Siciid ma tegin  Dhahar, Habar Shiro, Buraan, Xingalool  iyo qaybo ka mid ah Xaafadaha Badhan ee Xildhibaano lagu soo  dooranayey.

Isimaddii ay   beelahni samaysteen oo qura ayaa ka ma’suul ahaa doorashooyinkaas ka dhacayey degaanadaas , haddii ay cadaalad ahayd iyo haddi nin jeclaysi lagu soo saaray Xildhibaanadooda.

Su’aasha is waydiin mudan ayaa waxay tahay  Intaan  Garowe la tegin  oo la joogay gobolka Sanaag beelihii ay Isimada u ahaayeen isimadani   raali ma ka wada ahaayeen Xildhibaanka la doortay ee Garowe loo wado. Mise nin jeclaysi ayeey ninkii ay rabeen u soo  saareen Isimadoodu  oo u galbiyeen Garowe

Hadaba xaqiiqda dhabta ahi  waxay tahay in maanta labada Xildhibaan ee banaanka jooga oo aan muran ku jirin oo  aan Murashax kale dacalka haysani, oo aan arki  doonin guddiga khilaafaadka, ay yihiin Mudane Cabdiraxmaan Cali Jibriil iyo Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Labada beelood ee laga  soo kala doortayna  ay yihiin  labada beelood ee Garaad Cabdale iyo Bahwadaagahooda  iyo Gaashaanbuur oo yagu Isimka saxiixayaa oo xalaaleenayaa  uu yahay oo qura  Suldaan Siciid. Doorashaddii la soo doortay Xildhibaanadana  wax shaqo ah kuma lahayn Suldaanku. Ma fara  gelin doorashadii lagu soo doortay.

Ugu danbayntii Xildhibaan ay beeli markii horeba  ay  wada jir iyo midnimo ku soo wada doorteen ciddi ma musuqmaasiqi karto. haddii ay taasi  dhacdona waxa laga dareemi lahaa degaanadii uu ka tegeen  Xildhibaanku  ee laga soo doortay,

Garowe waxa  yaalaa waa Isim nin jeclaysi ku geeyey, si Baarlamaanka Puntland uga mid noqdo    iyo Murashax kale oo  leh Adeeroow anigana miyaadan ahayn Isimkaygii. Haddii Isimkii labaatan jirsaday uu midayn waayey oo u caddalad fali waayey jufadiisa, soo lama oran karo Isimadii la sameeyey burburka ka dib hadaf kasta oo laga lahaa maalintaas weli meeshii ayaa la joogaa

Allsanaag,com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*