19th March 2024  admin  Category :

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday Mashruuc ku baxaya 42 Milyan oo Euro

Dowladda Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliaya oo Muqdisho lagu qabtay waxa ay maanta si wadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Euro.

Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Amb. Jamal Maxamed Xasan, iyo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliye Mr. Nicolas Berlanga Martinez, ayaa heshiiska si wada jir ah u saxiixay.

Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada Soomaaliya ayaa qayb ka qaadanaya sare u qaadidda awoodda hay’adaha dhismaha waddooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed. Mashruuca ayaa dib u dhis loogu sameynayaa, looguna dayac tirayaa 355 kilomitir oo kamid ah waddooyinka isku xira dalka. Dhismaha waddooyinka dalka ayaa noqonaya laba guul oo la gaaray: ma aha oo kaliya in uu badbaadinayo nafta dadka isticmaala ee sidoo kale waxa ay saamayn wanaagsan ku yeelanayaa kobaca dhaqaalaha dalka, maadaama waddooyinku fududaynayaan isku xirka ganacsiga gudaha dalka iyo waddamada deriska ah; Ethiopia iyo Kenya, uuna ka qayb qaadanayo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aantu hayso.

”Dowladda Federaalku waxa ay si xooggan u bogaadinaysaa taageerada jooogtada ah ee midawga Yurub ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Taageeradaan 42-da Milyan ee Yuuro ah ee dib udhiska waddooyinka waxa ay sii xoojinaysaa 100-kii Milyan ee Yuuro oo dhawaan Midawga Yurub ku taageeray kabka miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya.”ayuu yiri Wasiir Jamal Maxamed Xasan.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Mr. Nicolas Berlanga Martinez ayaa yiri, “Midawga Yurub iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si wadajir ah ugu faraxsanyihiin taageeradaan 42-ka milyan ee Yuuro ah oo lagu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah ee dalka ay sare u qaadayso kobaca dhaqaalaha dalka iyo gobalka, ayna ka tarjumayso faa’iidada bulsho ee ugu jirta dadka Soomaaliyeed. Xaqiiqdii, hagaajinta bad-baadada waddooyinku waxa uu saameyn wanaagsan ku yeelanayaa shaqo abuurka, gaaridda goobaha caafimaad, adeegyada waxbarasho iyo bulsho ee laf-dhabarta u ah la dagaallanka saboolnimada.’’

Faah faahin Kooban

Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballadda Soomaaliya ayaa hadafka laga leeyahay waxa uu yahay in la suura geliyo hannaan dhaqaalaha dalka lagu kobciyo, lana dhiirri geliyo is-dhex-galka gobalka iyo waddamada deriska. Dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruuca ayaa ah 59.75 Mliyan Oo Yuuro. Dhaqaalaha ayaa ka kooban 42 Milyan oo ka timid Midawga Yurub, 12.31 Milyan oo ka timid snaduuqa horumarinta Afrika, 3.5 Milyan oo ay bixinayso dowladda Soomaaliya, 1.94 Milyan oo ka imaanaysa NEPAD-IPPF. Bangiga horumarinta Afrika iyo wasaaradaha ay qusayso ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fulinaya mashruuca.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*