29th March 2024  admin  Category :

Adna Adan, Tarsan, Bayla , Mulkiilaha Universal TV iyo Yuusuf Garaad oo Xafiiska RW Khayre u aqoonsadeen Soomalida ugu saamaynta badan Boqolkii sano ee ina soo dhaaftay

Dhalinyarada ka shaqeeysa xafiiska Rai’sul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kahayre oo u badan beesha HAG, ayaa maanta soo bandhigay boqol qof oo ay ku sheegeen inay ugu saamayn badnaayeen Soomaalida 100kii sano ee ina soo dhaaftay, ayaa intooda badan yihin Mooryaan sida Tarsan iyo Yuusuf Garaad, qaarkood ay u ololeeyaan inay Soomaaliya labo u kala qaybiyaan sida Adna Aadan. Xildhibaan Dufle ayaa ka mid ah liiskan halka ay ka maqan yihiin Xildhibaan Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdirixmaan, Xildhibaan Beeldaaje Cabdilaahi Beeldaaje Maxamed iyo Muuse Boqor.

Taliye ku xigeenka Booliiska Saki ayaa ku jirta liiskan, halka ay ka maqan yihiin Taliyaashii asaasay Booliiska Soomaaliya Allah ha u naxariistee Jaamac Cali Qorsheel iyo Maxamed Abshir

Halgamayaashii Soomaaliyeed ee NFD iyo Soomaali Galbeed waa ka maqan yihiin Liiska Qarnigan anagaa Soomaali ugu saamayn badan

Madaxdkii Dalka Kenya sida wasiirkii hore ee arimaha dibadda

Taliyaashii Booliiska Soomaaliyeed

Isimaddii beelha Harti dhamaan qarnigan soo maray , oo qaarkood xildhibaano soo noqdeen.

Madaxweynihii hore Cabdulaahi Yuusuf , oo ahaa taliyihii Inqilaabkii 1978, taliyihii jabhaddii SSDF, asaasihii iyo madaxweynhii hore ee Puntland. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya , Bal is waydii Tarsan iyo Allah u naxariistee Cbdulaahi Yuusuf yaa saamayn ku leh siyaasdda Soomaalida

RW Cumar Cabdirashiid oo labo mar Soomaaliya RW ka noqday waa ka maqan yahay liiskan

Mulkiilaha Universal saamaynta uu Soomaali ku leeyahay oo aan ahayn sida uu lacag u sameeyo miyaa jirta

https://www.somaliaonline.com/community/topic/50874-hiiran-online-somali-person-of-the-year-award-was-a-sign-of-pity-from-mogadishu-to-hargeisa/?do=findComment&comment=687522

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*