29th March 2024  admin  Category :

Sool maaha shandad diyaarad lala raaco oo ictiraaf lagu doonto laguna barya tago”.

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Gaas oo ka hadlay Furitaanka Fadhiga 41-aad ee Puntland ayaa siwayn uga hadlay Xiisada ka dhaxaysa Isaaq  iyo beelaHA Harti

 

“Sool ma noqon doonto meel colaadeed, meel lagu muransan yahay oo aan cid leh la aqoon, Sool maaha daasad lagu tuugsado oo Hargeysa mushahar loogu doonto,  Sool maaha shandad diyaarad lala raaco oo ictiraaf lagu doonto laguna barya tago”.

Isagoo ka hadlayey Xaalada Shacabka Laascaanood ayuu yidhii “Shacabka Sool waan ka Dulqaadaynaa Xabsiga maamulka Hargeysa, shacabka reer Puntland waxaan leeyahay u hiiliya walaalihiina Sool ogaada dhaxalka aad maanta dhigataan ayaad u aayi doontaan”.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Halka Puntland ka taagan tahay Xuduud loo sameeyo  Garoowe iyo Laascaanood  “Puntland waxay aqoonsan tahay Xuduudii Dawladii Soomaaliya dhex dhigtay goboladda Sool iyo Togdheer wixii khaldan samadoonka waa kala hadlaynaa laakiin wax ka sokeeya wada hadal kama furayno

Wuxuu Fariin gaar ah u diray Madaxwaynaha Somaliland  “Ingiriis dhulkan maleh,  Muuse Biixi waxaan leeyahay hadii Ingiriis dhul kusiinayo Laascaanood maaha London, Taleex maaha Birmingham, Xuduna maaha Cardif”Ayuu yidhi Gaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*