26th March 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta beelaha Warsangeli iyo Dhulbahabte loogu aamini waayey wasiirka Maaliyadda Puntland?

Labaatankii Sano ee Puntland jirtay, marna beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli looma magcaabin  wasiirka maaliyadda. Waana sababta bulshada ka soo jeedaa gobolada Sool iyo Sanaag ay  is waydiinayaan sababta keentay.

Markii Puntland la asaasay waxa qabtay Wasiirka Maaliyadda Puntland  aqoonyahankii ugu aqoonta badnaa cilmiga dhaqaalaha Puntland

Allah ha u naxariistee Siciid Maxamed Maxamuud (Siciid Caduur),  oo ka soo jeeday Beesha Dishiishe ayaa noqday wasiirkii ugu horeeyey ee maaliyadda Puntland.

Khibradiisa shaqo:

953-dii waxaa loo qaatay ciidamadii daraawiishta ee la oran jiray Wiilwaal oo saldhiggoodu ku yaallay magaalada Beledweyne

1960kii wuxuu noqday hogaanka maamulka lacagta ee ciidamada Booliska.

1968-dii wuxuu ka ruqsaystay ciidamadii booliska isagoo isku sharaxay inuu noqdo mudane baarlamaan isagoo iska sharraxay xisbigii la oran jiray Xisbiga Hawliga iyo Hantiwadaagga ee magaalada Boosaaso.

March 1969kii ayuu si rasmi ah uga mid noqday xildhibaannada baarlamaanka

Biishii may isla sanadkaasi waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada.

Isla sanadkaasi markii uu inqilaabku dhacay kama uusan mid noqon wasiirradii la xiray.

Sanad ka dib 1970-kii waxaa loo magacaabay agaasimaha madbacadda gobollada waqooyi galbeed.

1975-tii waxaa loo magacaabay agaasimaha waaxda ganacsiga ee madbacadda qaranka ee xamar.

1978-dii waxaa loo magacaabay ku xigeenka maareeyaha madbacadda qaranka ilaa iyo burburkii dhacay ayuu xilkaasi hayay isagoo welibana ahaa agaasimihii waaxda ganacsiga.

1991-dii -1992-dii markii ay burburtay dowladdii dhexe wuxuuka mid noqday guddiyadii ururka SSDF-ta ee gobolka Bari.

Wuxuu ka mid ahaa dadkii markii C/laahi Yuusuf raacsanaa xiligii uu gudoomiyaha SSDFahaa ayna isu raaceen magaalada Muqdisho iyo weliba dalka Itoobiya.

1993-dii wuxuu kamid noqday ergadii ka qayb qaadatay shirkii dib u heshiisiinta Mudug.
1994-tii wuxuu ka qayb galay shirkii sodera ee lagu midaynayey garabyada SSDF
1996-dii golihii dhexe ee SSDF isagoo gudoomiye ka ahaa golihii hanti dhowrka ee SSDF.wuxuuna noqday Guddoomiyaha Hanti dhowrka SSDF

1998-dii wuxuu ka mid noqday aas aasayaashii dhismaha dowlad goboleedka Puntland, xilkii ugu horreeyay ee loo magacaabay wuxuu ahaa wasiirka maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland wuxuuna xilkaasi hayay ilaa bishii June 2003-dii.

Xilkii ay beesha Dishiishe qabteen markii Puntland la asaasay, duhur cad ayaa la inqilaabay, Gaagaab iyo Faroole ayaa isaga danabeeyey, Intaa waxii ka danbeeyey taariikhda ayrrer gashay iyo meel caruurta laga korsado

Haddaan u soo laabto su’aashii ahayd maxaa keenay in labaatan sano wasiirka maaliyadda Puntland loogu  magcaabi waayey qof ka soo jeeda Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli.

Su’aashan waxa ka jawaabi kara oo qura Barlamaanka Puntlabd oo Guddi xaqqiiq raadin ah u saara arintan . Ama baarlamaanka Puntland oo u yeedha madaxweynayaasii   ugu danbeeyey  Puntlandee ee Nool sida Faroole, Gaas iyo Deni. Iyaga oo la waydiinayo sababta ay ugu magcaabi waayeen beelahan wasiirka maaliyadda Puntland,  si Bulshada goboladaasi iyo Soomaalida inteeda kale  u ogaadaan sababta

 

A

LLSANAAG.COM

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*