28th March 2024  admin  Category :

Ma akhriday maqaalka uu soo  qoray Mooryaanka Damuljadiid?

Mahdi Salaad waa Xildhibaan laga soo doorto Galmudug. Wuxuu ka mid ahaa ninmankii dastuurka Galmudug ku goray  Xuduudada Galmudug ee Waqooyigu waa Burtinle

Sawirka Mahad Salad.

Shirka London ee loo balansanyahay horaanta bisha May waxaa lagu soo go’aamin doonaa in Soomaaliya aysan yeelan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya (Military). Iyada oo Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu isku raaceen shirkii Madasha ee Mogadishu lagu qabtay 15 – 16 April 2017 inla baabi’iyo Ciidanka Military ga ee hada jira. Lana dhiso 18,000 askari oo ka imaan doona kuna ekaan doona xuduudaha isla maamulada ay ka imaanayaan. Kuwaas oo loo qaybsanayo sida soo socota:

Mahad Salaad maalintii uu Cadaado joogay oo uu lahaa Burtinlaa noo xuduuda

Sawirka Mahad Salad.

 

1. Puntland 3,000

2. Galmudug 3,000

3. Hirshabelle 3,000

4. Banaadir 3,000

5. Koonfur Galbeed 3,000

6. Jubaland 3,000

Taasi micnaheedu waxay tahay inaysan jiri doonin mustaqbalka dhaw iyo midka fogba Ciidan Soomaaliyeed oo Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed difaaca. Midaas badalkeedana Soomaaliya loo sameynayo Ciidamo Booliis ah oo Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada  canshuuraha gudaha u qaada, saldhigyada u ilaaliya, tuugada guryaha usoo dhacdana soo xira.

Waxa loo socdana waxa ay tahay “Soomaaliyada Cusub oo ka koobnaan doonta maamulo leh xuduudo gudaha ah oo kala qo’qoban, aanan lahayn Ciidamo difaaca Xuduudaha Dalka, Midnimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya”.

Taasoo ka dhigan inla rabo in Soomaaliya lagu rido dabinkii  ay diiday 1960 kii markii ay xornimada qaadatay. Waxaan dhihi karaa hadii sidaan wax u dhacaan waa nasiib daro Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed usoo hoyatay.!

Dagaalkii Ahmed Gurey, Darwiish ka iyo Leegadii, Baarliin dabinkii la dhigay, intaa waa ina daba socdaanee dantey naga leeyihiin iyo waxaan dooni kala fogaa.

Waxaa qoray: Xildhibaan Mahad Salaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*