5th July 2020  admin  Category :

Qoraal bartiisa Facebook-ga ku qoray Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayuu ku sheegay in Farmaajo iyo Muuse Biixi ku kulmeen Addis Ababa.

Sidoo kale Agaasime Cabdinuur ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiya Ahmed martigalinta kulanka Farmaajo iyo Biixi.

Image may contain: text that says 'Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay Addis Ababa Madaxweynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay uga Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Abiy Axmed Cali marti-gelinta kulankii shalay. Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada JFS'

One thought on ““Somaliland” iyo Soomaaliya ayaa kulmay

  1. Xaaji

    Waa nasiib daro ummada Soomaaliyeed ku habsatay in qof ka shaqeeya madaxtooyada Soomaaliya uu yiraahdo waxaa kulmay laba madaxweyne oo kala ah kan Soomaaliya iyo kan Somaliland arintaasi waxay muujinaysaa aqoon darrada iyo dhaqan janhadeedka ku habsaday shaqaalaha laamaha dawlada kuwaasoo lagu soo xulay hab qabiil ama ii gey meesha, dadka u shaqeeya dawlada qaarkood waxaa ku adag qorista af soomaaliga
    Soomaaliya Dadkeedii weli ma imaan

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*