28th March 2024  admin  Category :

Kulankii Odayaashii reer Maakhir iyo Ina Cigaal ee sanadkii 1993.

Sanadkii 1993, ayaa  Allah ha u naxariistee Maxamed Ibrahim Cigaal oo xukumayey maamulka SNM , wuxuu magaalada  Hargaysa  ku casumay Odayaal ka soo jeeda Beesha Warsangeli, si uu uga dhaadhiciyo goosashada ay  gobolada Waqooyi  kaga go’ayaan Soomaalida inteeda kale. Si uu arintaa uga saxiixdo, una  soo jiito Odayaasha Maakhir , ayaa markii ay odayaashii wada kulmeen, wuxuu u balan qaaday dhowrkan mashruuc inuu gobolka Sanaag ka hirgelinayo.

  • Jidka Geeldoora uu dhisayo
  • Warshadda Laasqoray oo mar kale ka shaqaysiinayo
  • Jaamacad uu u dhisayo gobolka Sanaag

Odayaashii Warsangeli, oo hadda intooda badani  ay dhinteen Allah ha u wada naxariistee dhamaantood,  markii ay ka soo baxeen Xafiiskii Ina Cigaal,  oo ay  jidka sii hayaan ,una sii socdaan Huteelkii ay magaaladaas ka deganaayeen, Ayaa oday ka mid ahaa  Odayaashii Warsangeli  intuu istaagay oo ku soo jeestay Odayaashii kale waydiiyey su’aashan . War heedhe Gurigii aynu Ina Cigaal kula kulnay ninka leh ma taqaaniin . Maya ayeey ugu jawaabeen. Anaa idiin sheegayee waxa leh  nin Hartiya oo la yiraahdo Morgan. War ma arkayseen meeshii aynu la fadhinay Ina Cigaal daaqaddii ku beegnayd isaga  ee jabnayd oo falaaraha qoraxdu  ka soo gelayeen. HAA. Ma nimanka daaqaddaa samaysan kari waayey  ayaa  warshadda Lasqoray inoo dhisaya,  War jidkan aynu marayno,  oo Jamacoow  aad dhowrka mar godadka ka qodan aad ku dhacday aadna ku  kufi gaartay, nimanka dhisan kari waayey miyaa inoo dhisaya jidka Geeldoora. Maya,  Hadaba gaariga u horeeya oo maalinta beri ah Bari u baxaya  aynu raacmo, meeshan sii joogis ma leh.

Labaatan sano ka dib Siilaanyo ayaa ka daba yimid Odayaashii, Isaguna dhagax ayuu dhigay Laasqoray lagu dhisayo Warshadii Laasqoray iyo jidkii Geel doora. Xilkii uu SNM ka hayey waa ka sii dhamaanayaa  isaga oo dhagixii uu dhigay dhagax kale ku soo darin

Ugu danbayntii marka danbe ee aad maqashaan Isaaq ayaa Mashaariic ka  hirgelinaya Maakhir, waxaad xasuusnaataan  inay tahay Marabbi ay degaanka SNM  ku hubaynayaan si ay amni daro uga abuuraan. Haday ay  dhacdoba  inay lacag siyaan Marabidan  waa mid beelaha Warsangeli madaxa laysugu dhufanayo

ALLSANAAG.COM

https://allsanaag.com/mashaariicdii-laasqoray-ee-somaliland/

Khaalid Uurcad Khaalid1970@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*