20th June 2019  admin  Category :

Beribaa degsiimo xoolaley ah, waxaa nafta isugu keenay bahal libaax la yiraahdo, kadib, markii ay khatartiisa garwaaqsadeen, waxay go’aansadeen in ay bahalkaan Qur’aan isaga akhriyaan, maadaama ay u suurta geliweydey, in ay dilaan malaha.
Kadib, waxay u yeerteen, sida la sheego, sheekh qur’aanka yaqaan, waxay ka codsadeen, shiikha in uu qur’aan kaga akhriyo bahalkaan maalinkasta weerarka ku ah deegaankooda (Xirsi xir), isla markaana waxay u ballan qaadeen xoolo gooyo fiican. 
Wadaadkii wuxuu ka ballan qaaday dadka degsiimada in aan dib danbe Libaax loo arki doonin, waayo buu yiri: SUURAT la yiraahdo ALAMTARA Ayaan libaaxa ka adag!! Waa yahay ayaa la yiri, sidaasaa lagu faataxeystey oo wadaadku ku xoolo goosan jirey.
Laakiin, maalin maalmaha ka mid ah, ayaa la arkay bahalkii Libaaxa ahaa oo wadaadku ballan qaaday in aan dib danbe loo arkeyn oo degsiimadii bartanka kaga jira, dabeed maxaa dhacay, qaylo ayaa afka lagu shubtey, waa waray ayaa la yiri, wadaadkii ayaa loo habar wacday, war sheekhii meeh… war sheekhii Meeeh…. Ayaa ka dhacday!!!
Hase-yeeshee markii qaylo-dhaantii wadaadkii gaadhey oo loo warramay in libaaxii degsiimadii dhex taagan yahay, loona baahan yahay in dhaqso qur’aankii loogu akhriyo, ayuu wadaadkii garwaaqsadey in xeero iyo fandhaal kala dhaceen, wuxuuna isku difaacay.. War LIbaaxii Alamtara soo dhaaf…. War Libaaxii Alamtara soo dhaaf….Suuratul : Alamtara malaha waxay hawsheedu aheyd intaan bahalku xandaabka soo gelin sida sheeekhu u jeedo.
Waxaan uga dan leeyahay, Somaliland, waxay ku jirtaa dagaal mayal adag, waqtigii ay bilowdayna haatan ma aheyn, wuxuuna ku salaysan yahay MABDA’ ku fadhiya Goonni isu taag ku xiran in ay qabsato dhul ay ku gorgortanto berri ama lagu aqoonsado.
Wejigii 1aad Somaliland waxaa u suurta gashay in ay Laas-Caanood dagaal kula wareegto, kuna faafto deegaamo aad uga durugsan Xuduudihii berigii hore jiri- jirey iyagoo ay horboodayaan dad degaankaas ka soo jeeda iyo siyaasiyiinta usha u hayaan,.
kadibna waxay bilowdey wejigii labaad, waxay ciidan ku soo dal-dashay Buuraleyda Cal Madow, waxay dhufeysyo ka qodatey Sil-siladda Buuraha Cal-Madow, waxay saldhig uga jeexday ururka Al-shaab degaanka Galgala, oo kulaalaya Laamiga wadnaha u ah Puntlad oo isku xira Min Bosaso ilaa Galkacayo.
Inkastoo la hakiyey, haddana qorshuhu intaad moodeysaan waa ka qota dheer yahay, Ciidanka ku jira aagga buuraha Galgala, waxaa jira dhuumo dhulka hoos mara oo ku xiran Hargeysa oo ciidanka, sahayda, salabka, siyaasadda dagaalkuba ay sida dunta isugu xiran yihiin, dhinaca kale dhuuntaas dhulka hoos martaa waxay kaloo gashaa Xamar, waxaaba laga yaabaa dhuuntaas dhulka hoostiisa marta in meelo ka dhow xamar lagu xiro, waxay leedahay laba ujjeeddo oo fog-fog, mid waa in guud ahaan Koonfur la waayo, iyadoo waxwalba u adeegsaneysa, midna waa iyadoo siyaasiyiintaiyo shacabka koonfurta ku beer laxawsata, reer Puntland Ayaan idinka hor-wareejineynaa!! Waa sheekadii 3da dibi!!
Waxaa jira dano aan qarsooneyn oo ka dhexeeya Siyaasiyiinta Hargeysa iyo Xamar , muhiimaddu waxay tahay in maamulka u dhexeeya meesha laga saaro ee Puntland, waxaa mar hore la doonayaa in si weyn loo curyaamiyo Ammaanka, dhaqaalaha, Isusocodka Puntland, lana barakiciyo bulshada reer Puntland.
Qorshahan duminta Puntland, waxaa ku jira maamullo, ganacsato waaweyn, siyaasiyiin iyo kuwa kale oo dano khaas ah laga tusay haddii Puntland meesha ka baxdo in ay danahooda gaarahayaan. Waxaa intaa dheer kuwa Magalootiyaal ah oo deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland oo shirka hore saaran.
Qarsoodi ma aha, In warbaahinta, Caalamka qaybtood lagu soo bandhigay, wiilal ay dhaleen Madaxda ugu sarreysa maamulka Hargeysa oo ku dhintay dagaalka Puntland lagula jiro.
Marka, haddiiba madaxweynihii, wasiiradii iyo Xisbiyadii Somaliland, wiilashoodii dagaalka buuraha galgala u soo direen, ma weesaa dhowran?? Maxaa la sugayaa ? Maa ummaddu tashato?
BOMKII GAROWE, lagu laayey shaqaalaha UN-ka oo lagu sheegay mid looga gol lahaa sidii looga hortegi lahaa shirweynihii wada tashiga wejiga labaad ee ummadda Somaliyeed in uu ka furmo Garowe iyo in lagu kala cararo garowe.
Reer Puntland, waa og yihiin, dagaalka mayalka adage ee Hargeysa ku hayso deegaan durugsiga iyo dawlad gooni u noqoshada isugu jira, waxaa la doonayaa in deegaankii eebbe ku siiyey in lagugu dilo, kadibna dawlad lagu noqdo, dabeedna lagugu xukumo ama adigana lagaa saaro sidii falastiin.
Waxaase yaab leh sababta go’aan adag looga qaadan waayey, iyadoo deegaankii ciidan la soo dhigayey ay reer Puntland leeyihiin, iyadoo dadkii reer Puntland la isticmaalayo, kuwa xaabada u keena, kuwa caanaha ka gada, kuwa warka u keena kulligood waa reer Puntland, Tolow maxaa loo sheegay oo lagu qanciyey?
Maxaa dadku u arki la’yihiin dhiig baxa ku socda shacabka Puntland, Maxaa hortaagan in la soo bandhig qorshe cad oo is-difaac lagaga hortegayo weerarka qaawan ee Hargeysa iyo Suuf-Aloosheedu wadaan ee loogu magac daray mujaahidiinta cusub ee Al-shabaab.
Somaliland, waxay nasiib u heshay, in ciidamdeeda ka dagaalamaya Buuraha Cal-Madow oy wiilashoodana hoggaamiyaal ugu dhigaan kuwooda ugu caansan oy dhaleen tujaarta iyo madaxda Hargeysa. Qorshaha Somaliland waa in ay keligeed jirto oo noolaato, somalida kalena dhimato, taasoo ah cadaawad aad u fog oy abuureen siyaasiyiin dano kursi leh, waxayna doonayaan in ay taariikh cusub u sameeyaan jiilkooda soo socda, halka kuwa badan oo reer Puntland ama koonfurta Somaliya fursadda laga saaro oo aanay arrintaasi ku baraarugsaneyn.
Reer Puntland- waxaan leeyahay, Maxay tahay danta ku jirta in hebel iyo hebel farta lagu godo, sow ma ogid adiga iyo kuwa aad farta ku godeyso in aad isku doon saarintihiin, berrina aan laydin kala sooci doonin!! 
Maxaase dadka loogu mashquulinayaa waxaan dani ugu jirin, oo loo arki waayey danta mustaqabalka ummadda hortaalla?
Haddaba, inta wax kuu bed-qabaan, adigoo wax iska difaacaya ayaa kaaga wanaagsan intii adigoo iska fadhiya aqalkaaga laguugu imaan lahaa oo maatada lagaaga tuman lahaa.
Somaliya, xaqiiqda marka laga hadlo, weli dagaalkii sokeeye ma dhammaan laakiin waa qaboobey, malaha qoladii fursad loo helo lama cafinayo!!
Waxaan ammaan aan xad lahayn u soo jeedineynaa, ciiidanka qalabka sida ee Puntland oo aan habeen iyo maalin nasan oo noqday Soo jeede-foojigan, oo isha ku haya cadowga ummadda Puntland.
Ugu danbeyntii waa muqadas ammaanka Puntland iyo jiritaankeeda in la ilaaliyo.
Qalinkii: Cumar Maxamed Barre

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*