19th March 2024  admin  Category :

Deni, oo maanta Daah-furay shirweynaha horumarinta waxbarashada Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Daah-furay shirweynaha horumarinta waxbarashada Puntland oo socon doona muddo saddex maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa goobjoog ka noqday warbixinta Wasaaradda Waxbarashada soo bandhigtay oo ku dhisan shaqada la qabtay, mida socota iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee horumarinta Waxbarashada Puntland.

Madaxweyne Deni wuxuu bogaadiyay shaqada socota iyo qorshaha horumarinta ee degan, wuxuuna muujiyay sida ay Dowladda uga go’antahay in horumar fiican laga gaaro Waxbarashada oo ka mid ah adeegyada Bulsho ee Puntland ay guulaha ka gaartay.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Waxbarashada heerarkooda kala duwan, Ganacsato , Aqoonyahano, Waalidiin, Ardey iyo ururada Bulshada.

May be an image of 2 people, people sitting and indoor
May be an image of 3 people, people standing and indoor
May be an image of 1 person

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*