18th April 2024  admin  Category :

Allah ha u  wada naxariistee  Aadan Gabyoow, Cumar Xaaji iyo Cawad Casharo Shalay waxay ka diideen Masaari, Cali Mahadi iyo ina Caydiid ayaa maanta Itoobiyaan   iyo Niman  sheeganaya inay Dir yiiin oo kala ah  Cumar Geele, Axmed Shido iyo Muusi Biixi ku khasayaan beesha Daarood inay qaataan.

Intaan maamulka Puntland la dhisin ayaa beesha Majeerteen waxay shir ku qabsadeen magaalada Qardho ee gobolka Bari. Shiraas ayaa ku dhamaaday Khilaaf,   ka dib markii Chairmaankii iyo Taliyihii Ciidamada SSDF  Allah ha wada naxariistee  Cabdulaahi Yuusuf iyo CabdiRizaaq Xaaji is mari waayeen

Isqabqasigan ayaa  horseeday fashilaad iyo in lagu kala dareero Shirkii , wuxuuna sababay Khilaafkaaas soo kala dhex galay madaxdii  SSDF   inay Xamar aadaan  oo ay kala raacaan Caydiid iyo Cali Mahd oo Sanado ka hor ka  soo qaxiyey Beelaha Daarood Koonfurta Soomaalliaya.

Khilaafkan ayaa saameeyey guud ahaan beesha  Daarood  ,waxaana kuu cadeenaysa saamayntaasi halka ay gaartay ,ka dib markii siyaasiyiinta  Hawiye ay ka heleen  awood siyaado ah  Shirkii Qaahira.

Dawladda Masaarida ayaa shirkaa Qaahira waxay miiska soo saareen, oo Soomaalida u sheegeen inay ogolaadaan in  Raisa Wasaaraha iyo Madaxweynahaba laga dhigaayo  siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha    Hawiye oo kala ah   Ina Caydiid iyo Cali Mahadi.

Markii ay arintu halkaa maraysay ayaa shirkii  ka socday Qaahira waxa fashiliyey Ruug cadaa siyaasadeed oo ay ka mid ahaayeen Allah ha wada naxariistee  Adan Gabyow , Cawad Casharo iyo  Cumar Xaaji

Caamir Muuse,  oo ahaa wasiirka Arimaha Dibada Masar Xiligaaa,  markii danbena noqday   Xooghayaha guud ee Jaamacada Carabta ayaa hadalkii uu  maalintaas ka sheegay BBCda wuxu ahaa ”  Cabdulaahi yuusuf waxaan ku bedelaynaa Maxamed Abshir ,Aadn Gabyoowna waxaan ku bedelaynaa Jees Ninka la yiraahdo Cawad  Casharo   Beentiisii uga buuxday Bangiyada waa dhamaanaysaa” sidaa waxa yiri Amar Muuse.

Afrikaay Hurudooy

Arintan foosha xun oo USC oo Sanado ka hor Dadka soo qaxiyey,loogu abaal marinayo  Madaxweyne iyo R’aisa Wasaare, ayaa waxa ka xumaaday Dhamaan Bulshada Daarood gaar ahaan Harti oo Hormuud u ahaayeen Xisbiga USP ,aqoonyahankooda,Garaadadooda iyo Suldaanadooda waxaana la go’aansaday in aanay soo dhoweyn Dawlad Soomaaliyeed Xiliyadan,  sidaas awgeed ay sii samaystaan Meel ay ku sugaan Dawladanimo,Dadka mahada gaarka ah leh waxa ka mid ah Maxamed Cabdi Xashi,waxaana la bilaabay shirkii Dastuurka oo lagu qabtay Garoowe Feb 1997 

Maqalaay Warlaay Ma Laguu Warramay

Ugu danbaynti, Shirkii Qaahira mid la mid ah ayaa Addis ababa ka socda oo lid ku ah beesha Daarood, gaar ahaan  gobolada Sool iyo Sanaag. Shirkii Qaahira dibin daabyo kasta oo ay Masaaridu rabtay wax fiican ayaa ka soo baxay oo ahaa in la dhiso  maamulka Puntland oo keenay dawladdaa hadda jirta.  Maantana markii la arko Axmed Shido, Muuse Biix iyo Cumar Geele oo beesha Dir sadbursi u raadinaya waa in si dhakhso ah looga jawaabaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*