29th March 2024  admin  Category :

Farnaajo oo mar kale ku fashilmay inuu Soomaali isugu keeno Muqdisho, s

Waxaa markale fashilmay shirka amniga qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo la filayey inuu si rasmi ah maanta oo Axad ah 5-ta July uu ka furmo gudaha magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa horey u iclaamiyey madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), balse waxaa diiday oo gabi ahaan qaadacay madaxweynahayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntand.

Labadaan maamul ayaa tabasho ka muujiyey shirkaas iyo sida ay wax u wado dowladda, gaar ahaan hanaanka ay u wajaheyso doorashada 2020 illaa 2021-ka.

Sidoo kale Jubbaland iyo Puntland ayaa ku eedeeyey madaxweyme Farmaajo inuu fulin waayey qodobada shirkii dhanka Internet-ka ee ahaa in la joojiyo xeerarka doorashada ee  uu ka doodayo baarlamaanka, inta la’isaga imaanayo shirka amniga qaranka.

Illaa iyo hadda ma jiro hal madaxweyne maamul goboleed oo soo gaaray Muqdisho, xittaa Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo taageersan dowladda federaalka.

Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay Villa Soomaaliya oo ku aadan dib u dhaca shirkan oo uu qorshuhu ahaa inuu maanta ka furmo gudaha caasimadda.

Waa markii 3-aad oo uu baaqanayo shir uu iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ku casuumay maamul goboleedyada, iyadoo labo jeer oo hore madaxweynuhu ku baaqay shir, balse ay qaadaceen maamul goboleedyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*