18th April 2024  admin  Category :

Waxaa guud ahaanba maanta baaqday shir dhex mari lahaa madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu Muqdisho ka helayno ayaa sheegaya in shirku baaqday kadib markii madaxda dowlad goboleedyadu diideen ka qaybgalkiisa oo ay u sababeeyeen helitaanka goob ammaan ah iyo dammaanad qaadka fulinta qodobada miiska saaran.

Shirkan waxaa looga hadli lahaa Ammaanka, Siyaasadda iyo xariirka labada dhinac, waxaase u baaqday markii ay madaxda dawlad gobaleedyada Faderaalku diideen in ay ka qeybgalaan, ilaa la helayo goob amaan ah iyo damaanad qaade rasmi ah oo ku wajahan waxyaabaha laga wada hadlayo.

Madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa dalbanaya in madaxda federalku ay joojiyaan faragelinta iyo carqaladaynta siyaasadda maamul goboleedyada si xiriirka labada dhinac u hagaago.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo jeedinayey khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa sheegay in dowladdiisu aysan marnaba aqbali doonin gacan saddexaad oo Soomaalida soo kala dhexgasha sida uu hadalka u dhigay.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda federalka ah inay hareer mareen waajibaadkii loo igmaday sidoo kalena aysan fulin dhammaan qodobadii labada dhinac ay horay ugu heshiiyeen.

Qaar kamid ah deegaamada maamul goboleedyada waxaa gaarey wafuud kala duwan oo ka socota xildhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya u jeedkooduna yahay ukala dabqaadista dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*