28th March 2024  admin  Category :

Shirka dhameystirka maamulka Hawada Soomaaliya oo lagu soo gaba-gabeeyay Addis Ababa 

Waxaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 28-ka June 2019-ka lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, shir ku saabsanaa heshiis ay Dowladda Soomaaliya kula soo wareegtay maamulka iyo Maareeynta shaqaalaha.

Shirkan oo socday muddo Afar Cisho ah ayaa looga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, dedaalkii loo galay in ay Soomaaliya la soo wareegto Hawadeeda iyo dhamaystirka wixii haray.

Sii hayaha, Maareeyaha hay’adda duulista Hawada Rayidka Soomaaliya,Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in tallaabadan ay soo jiitamaysay muddo dheer, laguna bixiyay juhdi fara badan tan iyo markii ay maamulka Hawada si toos ah ula soo wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), ayaa sheegay in shirka ay la yeesheen Hay’adda  ICAO uu geba-gebo u ahaa, dhammeys tirka guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya, ee ay ugu dambeysay wareejinta shaqaalaha oo haatan la saxiixay.

Qodobbada shirkanTaariikhiga ah waxaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar).

Dhanka ICAO waxaa hoggaaminayay una saxiixay Agaasimaha Hay’adda ICAO Technical Cooperation Bureau Mr;Jorge Vargas, ICAO reginal office Director Mr; Kashambo, ICAO Air Navigation Bureau iyo madax kale oo ka socotay xarunteeda dhexe oo ee Canada.

Shirka Dowladda iyo ICAO waxa uu gabo-gabo u ahaa dhamaystirka guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya oo ay ugu dambeeysay wareejinta shaqaalaha ee maanta la kala saxiixday .

Shaqaalaha ka shaqaynayay xarunta maamulka Hawada Soomaaliya waxay 31/7/2019 ku wareegayaan Dowlada Soomaaliya, iyadoo shaqaalaha Ajaaniibta ah ay tiradoodu hoos u dhacaysay tan iyo markii ay Dowladdu billoawday soo wareejinta maamulka Hawada, waana tiradii ugu badnayd ee ay Dowladda Soomaaliya ruqsaysayso 31/7/2019, iyadoo boosaska ay banneeyeen buuxinayaan khubarada Soomaaliyeed oo aqoon u leh arrintan.

Dhanka IATA Waxaa uga qeyb galay shirka, Luis Arce, oo ah madaxa uruurinta dakhliga Diyaardaha laga qaado, Magdy Reda , Madaxa kharashyada Diyaaradaha laga qaado iyo ,Sidy Gueye, oo ah xiriiriyaha Bariga Afrika.

Waxay IATA cusboonaysiisay heshiiskii ay la gashay Dowladdii Kacaanka 1989-kii, oo ahaa in ay Soomaaliya u uruuriso Lacagaha laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya.

Heshiiskani wuxuu meesha ka saaray hay’adda ICAO oo IATA u shubi jirtay Lacagaha laga qaado Diyaaradaha mara Hawada Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegtay lacagaha laga qaadayo diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*