28th March 2024  admin  Category :

Xildhibaan Faroole ayaa iska casilay guddigii uu ka midka ahaa ee gudoomiyaha u  doortay Danbiile dagaal Cabdi Qaybdiid

Guddigana ayaa ka kooban 10 xubnood oo kala ah 5 xubnood oo  ka socda Golaha shacabka iyo 5 xubnood oo ka socda Aqalka sare, kuwaasoo dhamaantood ah Rag.

Sheekh  C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa iska casilay xubinimadii Guddiga Wadajirka Dastuurka ee Baarlamaanka labada Aqal

Kulan Xildhibaanada Aqalka sare ay maanta ku yeesheen xaruntooda ayaa laga akhriyay warqad uu soo gudbiyay Sheekh  C/raxmaan Faroole, kaasoo uu ku codsanayo in laga aqbalo inuu iska casilay xubinimada Guddiga.

Sheekh  Faroole ayaa ku sugneyn Aqalka sare, xilliga laga akhrinayay warqada is casilaada iyo baaqa Guddoonka ee ku aadanaa buuxinta booskaas.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada Aqalka sare in la buuxinayo kursigaas, iyadoo xubinta buuxineysa ay iska soo dhex dooran doonaan Xildhibaanada Aqalka sare oo cod loo qaadi doono.

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*