28th March 2024  admin  Category :

Sayidka oo Kismayo ku qaabilay Yamamoto iyo Taliyaha howlgalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend.

Danjiraha iyo Madaxweynahu ugu horayn waxaa ay ka wada hadleen Xaalada ka taagan Gobolka Gedo iyo duulaanka gardarada ah ee Dowlada Federaalka ah ay ku qaaday deegaano nabdoon kuwaas oo tan iyo xiliga Dowladu ay halkaas Weerarka ku qaaday ay ka jirtay Xaalada adag waxaana la isku raacay in Dowladu ay halkaas kala baxdo Ciidamada ay gaysay kuwaas oo kala dhantaalay nidaamkii Maamul ee halkaas ka jiray sidoo kalana khalkhal amni daro ka abuuray Gobolka Gedo.

Waxaa kale oo kulankan diirada lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka ah waxaana la isku raacay in ay muhiim tahay in xal laga gaaro Khilaafkaas mudada ragaadiyay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Dhinaca kale kulan gaar ah oo dhex maray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend waxaa lagaga hadlay sidoo loo bilaabi lahaa howlgal midaysan oo Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland howlgalkaas oo Si wadajir ah ay u fulinayaan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland Ciidamada Xooga dalka iyo AMISOM oo ay tageerayaan Ciidamada howlgalka Africom ee Maraykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*