29th March 2024  admin  Category :

Sawirka maanta,  Mucaaradka Puntland  gaar ahaan kuwooda aaminsan in Beel ahaan ay tahay xilligii ay qaban lahaayeen hogaanka Puntland, ayaa  haba yaraatee wax fursad  ah iska   lumin sidii ay u  siyaasadayn lahaayeen   Doonta reer Puntland u wada raran ee soo caariday , Reer Puntland oo dhamina dal iyo dibadba ay diyaar u yihiin in xoolaha doontaa saaran  la badbaadiyo.

Siyaasiyiintii reer Puntlad ah  oo qaarkood xilal ka soo qabteen dawladda Puntland,   sida dawladaha hoose iyo maaliyadda ayaa iyaga oo siyaasadaynaya Doonta soo caariday  la xiriiray Amin Caamir si ay bulshada reer Puntland u marin habaabiyaan.

Xaqiiqda dhabta ah ee ka  jirta Boosaaso ayaa waxay tahay  in  Iska rogooyinkii, Cagf cagafyadii iyo Baldoosyadii uu madaxweyne Cabdiweli Gaas uu u  soo gaday jidka Ceel daahir ayaa qayb libaax ka qaadanayaan  Badbadada Doonta Reer Puntland u raran.

Siyasiyiinta Mucaaradka Puntalnd ee Amin caamir la xiriiray ayaa u badan kuwo ka soo jeeda degmada Qardho oo wata Xulufo la yiraahdo reer Bari oo ay ku Awr kacsanayaan, ahna kuwa ugu qaylada badan hase ahaatee aan aaminsanayn inay Puntland hogaamin karaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*