29th March 2024  admin  Category :

Axmed Cawil maxaa loo dilay Sakariyana u Mooryaameenayaa Boosaaso?

Denbiyada ugu waaweyn ee caalamka uu askarigu galo ama nin darajo hooseeyaa galo, marka maxkamad loo soo taago denbiyaddi ay ku eedaysanayaan, qareenka u doodayaa wuxuu ku doodaa in madaxda sare ay amar siiyeen oo ay amarkii qaateen oo shaqadooda gudanayeen, ayna ahaayeen Askarta lugta . Qaarkood sidaas ayeey ku badbaadaan iyaga oo denbi galay

Axmed Cawil, waxa uu ahaa askari shaqadiisa gudanayey , ilaalinayey xarun dawladeed, fulinayey amarkii dawladeed ee la siiyey, sidaas ayaa lagu dilay isaga oo haba yaraatee gaacanta kula jirin wax ka baxsan amarkii la siiyey ee ahaa inuu amniga sugo

Axmed, wuxuu ahaa Askarigii lagu dilay Xarunta Baarlamaanka Puntland isaga oo aaminsan inuu shaqadiisii Qaran gudanayo oo Xarunta Baarlamaanka Puntland oo la soo weeraray difaacayo

Halka Sakariye Cali Xaaji Siciid, oo ka soo jeeda Beesha Majeerteen, uu yahay mooryaan hubaysan oo u dagaalamaya in beeshiisu meel ay dhaadhac ka heli jireen ninkii u hayey laga qaaday xilkii , wuxuu sababy argagx iyo in laga barakaco xaafado ka mid ah magaalada Boosaaso.

Dawladdii Puntland oo Askarigii ka mid ahaa dawladeeda inta ay dishay warbaahinta ka sheegtay in aan haybtiisa la garanayn ayaa hadda daawnayasa Zakariya iyo kooxdiisa hubaysan ee aragagaxa ku riday shacabka Puntland. Kama dhicin Soomaaliya intii dagaalka sokeeye socday Mooryaan kalsoonidaa qaba. oo ku faanaya inuu albaab walba dhigay gaari dagaal

Ugu danbayntii waa in si deg deg ah sharciga loo hor keenaa Sakariye oo lagu qaadaa denbiga uu ka galay umadda reer Boosaaso, Sidoo kale waa in la xasuusiyaa inuu Carmo magaca Puntland ku helay oo uu wax badan waayi doono haddii uu sii wado Mooryaanimada

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*