18th April 2024  admin  Category :

Sacuudiga oo Gacanta ku dhigay Soomaali &Ajnabi kale oo Daroogo & Qaad gelinayey gudaha dalkaas 

Afhayeenka Ciidanka Ilaalada Xuduudaha Sacuudiga, Col.  Masfar Bin Qanam Al-Qurayni ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 25 eedeysane oo qaab dhuumaaleysi ah ku gelinayey dalkaas daroogo iyo Qaad

Col.  Masfar Bin Qanam ayaa intaasi ku daray in eedeysanayaaaha lagu soo qabtay Hawlgalo ka dhacay gobolada Najraan iyo Jizaan ee K/Galbeed ee Sacuudiga oo u dhow Xadka Yemen.

Eedeysanayaaaha waxaa la sheegay in Wadar ahaan  lagu qabtay 802 Kiilo oo Xashiish ah iyo 25.4 Tan oo Qaad (Jaad) ah.

Afhayeenka waxa uu xusay in 25-ka Eedeysane ee la qabtay kala yihiin: 3 Muwaadiinin Sacuudiyan ah, 2 Soomaali ah, 14 Yeminiyiin ah iyo 4 Ethiopian ah.

Eedysanayaasha oo la soo qabtay bishan May 7-dii waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadaha ku shaqada leh, waxayna muteysan karaan xukuno culus oo iskugu jira dil ama xabsi dheer.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*