28th March 2024  admin  Category :

Khayre oo la yimid dhaqan ka gedisan kan Keligii Talisnimada ah ee Mdaxweyne Farmaajo la gabanayo

Xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegtay inay qasab tahay in dowlad goboleedyada dalka lagala tashado qabashada doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

Arrintan ayaa waxaa looga hadlay kulankii guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhan yahay ee xafiiska Kheyre lagu qabtay laba maalmood ka hor, kaasi oo ay ka qeyb-galeen golaha wasiirada iyo guddiga madax-banaana ee dorashooyinka qaran.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyey in baahi degdeg ah loo qabo wada tashi loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda Federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada, si loo hirgeliyo doorasho loo dhan yahay oo xilligeeda ku qabsoonta.

Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah hoosta uga xarriiqay muhiimmadda ay leedahay in la helo heshiis siyaasadeed oo gogosha u xaara in loo gudbo arrimaha farsamo ee doorashooyinka, kadibna loo soo bandhigo qorsho cad oo waqtiyeeysan.

Sida muuqata RW Khayre ah oo ah murashax madaxweyne ayaa doonaya inuu wada hadal u furo Maamul goboleedyada. Halka Madaxweyne Farmaajo laa aamusan yahay Gaadmo kaligii talisnimo iyo taan rabaa soconaysa

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*