16th April 2024  admin  Category :

Ra’isul Wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow dalka dib ugu soo laabtay.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka Cadaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Xoghayaha joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda la socotay ayaa dalka Sacuudigau tagay inay soo cumreystaan.

Dib u soo laabashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli uu saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo isagoo gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*