29th March 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uga qeyb galayo shirka Golaha ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ayaa la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Ruushka Sergei Lavrov, waxana ay ka wada hadleen xiriirka qotada dheere ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Mudane Khayre ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doono shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Isagoo ka hadli doono horumarka ballaaran ee dhowrkii mudadii la soo dhaafay ay gaartay dawladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*