29th March 2024  admin  Category :

Qore Abdalla Farah Bile 

Raali gelinta madaxweyne Farmaajo ee Somaliland waa  qiraal , xasuuq iyo in wada xaajood dhex maro Koonfur iyo Somaliland .  
Iyadoo, la ogyahay in sida Gafane oo kale, Beesha Hargeysa Ugu Dhegan tahay Beelaha Darfaha si-ay Dhiiggooda iyo Dheecaankooda uga dhuuqdo Kadib Marka Laba Hab Midkood Lagu  heshiiyo. 
 
In lagu middoobo oo Wax Lagu Qaybsado dawlad ka kooban Somaliland iyo Koonfur, ama loo ogolaado Somaliland inay go’do. Labadaas ikhtiyaar, “mid walba oo lagu heshiiyo waxay dan ugu  jirta  beesha Hargeysa”, sababtoo ah waxay noqon kuwo abid ku dul nool noole kale, iyagoo faa’iido siyaasadeed iyo mid dhaqaaleed ka sameeysanaya beelaha ay ku dul dhegan yihiin sida Dulinka oo kale, parasite. 
 
“Awoodda Darteed, Ka fa’iidaysiga siyaasadeed iyo kan dhaqan-dhaqaaleed ee hal beel  gacanta u gala waxay keenaysa sida dulinka in beesha Hargeysa qaniiyo ku hayso oo  Dhiigga Ka Jaqdo kuwa kale”, “iyadoo sidaasi noqonayso xanuun iyo barar siyaasadeed ee maskaxda iyo jidhka beelaha kale dareemaan, waana cadaadis siyaassadeed oo abid saamayn “cidhib xumo u yeelan doona jiilasha soo socda ee Sool, Sanaag iyo Awdal kale”. 
 
Sida dhaqanka qabyaalada dhigayo marka abid awooda siyaasadeed iyo mid dhaqaaleed hal beel oo saldhigeed yahay Hargeysa ka noqto “Diiq ama Atoor Sagaare”, waxay Wiilasha iyo gabdhaha ka soo jeeda isu arkayaan “muwaadin reerka kowaad ah, halka kuwa kale ee  Darfaha ay u arkayaan “muwaadin reerka labaad ah”… 
 
  Ugu dambayn, “haddii maamulka Farmaajo ku kaco, Waxaan u arka caddaalad daro in beel loo afduubo  beel kale iyadoon innaba wax tixgelin ah laga siin aaya ka tashikooda sida ay u rabbaan”.  
Dhanka kale, ilaa inta aysan xeedho iyo fandhaal kala dhicin oo la oran uur-jiif hooyadii ku gowracan, “dadka ka soo jeeda darfaha waa inay dadaal xoog leh oo tamar iyo maal ba leh geliyaal  sidii door wax ku ool ah uga qaadan lahaayeen “hadalada u dhexeeya Somaliya iyo Somaliland”.. 
 
 Marka la darso sida wax u socdaan, si wada  hadalada loo fududayo, Farmaajo wuxuu gobolada SSC raaligelin u siinaya beesha dhexe ee Somaliland. 
Ninkii seexda Sacii didi dhacay. 

Qore Abdalla Farah Bile 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*