29th March 2024  admin  Category :

qaybtii 2aad Warbixinta iyo Talogelyada)

4- ujeeddooyinka Siyaasadeed ee Maamullada Garoowe iyo Hargeysa ee ku aaddan Sool iyo Sanaag:

a) Maamulka Hargeysa ee beesha Isaaq , waxa hadafkoodu yahay inay gacanta ku dhigaan dhulkii Ingiriisku xukumi jirey ee (Ex- British Somaliland) . Dadka gobolladan deggan wax tixgelin ah uma hayaan. Waxay ku wadaan barnaamij Qaybi oo Xukun ah. Iyagoo aan wax aqoonsi ah hayn, haddana kama muuqato wax soo dhoweyn ama xaquuq siin ah, sababtoo ah ma doonayaan in wax xaquuq ah oo berri lagula xisaabtamo u jidoobaan. Waa sababta laysu hortaagay heshiiskii Khaatumo / Somaliland ee Cali Khaliif la galay.

Dawladda Dhexe( Federal- ka) ee Muqdisho; Wersengeli iyo Dhulbahante waxay leeyihiin 2 Wasiir, Isaaqna 3 ama 4. Hargeysa hal wasiir oo Wersengeli ah baa dhex fadhiya : 6 H.Jeclo, 5 H. Awal, 5 Garxejis, 3 Arab etc.
Isaaq, waxay doonayaan Somaliland ay ” DOMINANT” ka yihiin. Haddii ay dal gaar ah noqdaan iyo haddii ay u meel marto in Koonfur iyo Woqooyi waxloo qaybsado(plan markasta inay mindida daabka hayaan baa ka go’an. Qabaa’ilka kalena hoos jooge u noqdaan.
Khilaafka iyo loollanka dhexdooda baa hadda qorshahoodii kala dhantaalay. Xildhibaannada Golayaasha Xamar – na waa kula socdaan oo cadaadiska dawladda dhexe la saarayo bay qaabilsan yihiin. Siyaasad iyo Xoog ciidan hadba kii suurto gal u noqda bay adeegsanayaan .

b) Maamulka Garoowe ee Majertenia, Sool iyo Sanaag dhul ahaan shiddo weyn kuma hayo. Dadka iyo hoggaankooda Siyaasadeed inay gacanta ku hayaan oo Soomaali guud wax kula qaybsadaan baa muhiin u ah.
Siyaasiintooda qayb kamid ahi( Faroole group) ma aaminsana in Sool iyo Sanaag qayb ka yihiin Puntland. Waxay ka door bidayaan in Somaliland gacanta ku hayso gobolladaas, iyaguna(PL) deris wanaagsan la noqdaan. Intase aaminsan inaan Harti Woqooyi gacanta PL ka bixin baa badan.
Majeerteen ama PL , haddii xilligan Xero Wersengeli Isaaq dagaal kusoo qaado inay difaac la galaan bay u dhowdahay. Dhinaca Dhulbahante arrintu waa ka geddisan tahay. Labada dhinacba kalsooni darraa jirta.Waxa sabab u ah dhacdooyinkii isaga dambeeyey 12 kii sano ee lasoo dhaafay oo ay ka mid ahasyeen; qabsigii Laas Caanood, asaaskii SSC/ Khaatumo iyo dagaalladii Tukaraq.

5- Aragtida Siyaasadeed iyo Difaac ee Wersengeli iyo Dhulbahante iyo Farqiga u dhexeeyay:

a) Dhulbahante badiba degaankiisa waxa gacanta ku haya Somaliland. Laba jeer bay Maamul ku dhawaaqeen( SSC / Khaatumo)kuwaas oo sababay in degaanka laga qabsado, Puntland- na ku fiirsato, maadaama ay wax u gaar ah oo weliba PL liddi ku ah ay sheegteen.
Hadday maanta Maamul kale oo dibad wareeg ah ku dhawaaqaan, wax weyn ma luminayaan ( they have nothing much to lose).

b) Wersengeli dhulkiisii buu badiba haystaa. Pl( MJ) garab iyo difaac buu u yahay. Haddii Wersengeli gaar isu taago ama Dhulbahante waxla dhisto, hadduusan helin wax u bedela taakulada difaac ee Puntland, cidluu istaagayaa. Somaliland baa kusoo duulaysa sidii Khaatumo .PL- na waa ku fiirsan doontaa.

c) Haddaan kor istaago aragtiyaha labada reer kala qabaan( RespectivePrespectives of each other):

  • Dhulbahante wuxu qabaa in Wersengeli yahay dad tiro yar, masaakiin ah , wax iska celin karin, waxna ku toosin.
  • Wersengeli wuxu qabaa in Dhulbahante yahay; dad fudud, siyaasad iyo itijaah lahayn, hogaan mideeya weligood yeelan, dawlad ku nool ah oo cid ay u askareeyaan raadinaya.

5- Aragtida ku aaddan Mawqifka Dawladda Federal- ka iyo cidda ay tixgelinta kowaad siinayso( Their Priorities):
Sida ka muuqatey habdhaqanka Dawladda hadda talada haysa iyo labadii ka horreeyey, waxay Mudnnaanta iyo Tixgelinta kowaad siiyaan maamullada Somaliland iyo Puntland oo loollan iyo aqoonsi la’aan joogta ah ku haya, kolka la barbar dhigo shacabka Sool iyo Sanaag oo 24/7 u taagan midnnimada iyo Dawladnnimada Somalia. Kuwaas oon ilaa hadda wax tixgelin iyo taageero midna helin.

Gunaanad iyo Talo soo jeedin:
a) Reer Sool iyo Sanaag way samaysan karaan maamul wadaag ah oo ku midaysan yihiin. Aragtiyaha kala duwanna waa ka gudbbi karaan. Intaanse dhisme maamul loo gudbbin,arrimahan baa ka horreeya in la fuliyo ama lagu tilasbsado:

b) Reer Sool waxay u baahan yihiin Jabhad hubaysan oo degaanka gacantooda kusoo celisa.

c) Reer Maakhir waxay u baahan yihiin in DF u qaramayso una qalabayso 1500- 2000 ciidan ah oo mandaqadda nabadgelyadeeda suga , kana difaaca wixii weerar banaanka uga imanaya.

d) DF waa inay inay Puntland ku qanciso dhismaha maamul ee Sool iyo Sanaag. Si aanay majaxaabin iyo manneeno ugu geysan.

e) DF waa inay ku dhiirrato in Maamulka Hargeysa loo caddeeyo in cidda goonni goosadka doonaysaa tahay beesha Isaaq oo keliya, aanayna xaq u lahayn inay ku tuntaan xaquuqda beelaha kale ee woqooyi la dega.

Qodobada kore kolka la saxo ayaa laga hadli karaa shirar iyo dhisme maamul .
Haddii ujeedka DF tahay in Xildhibaannada Sool iyo Sanaag lagu magcaabo Muqdisho oo Puntland gacan ku yeelan keliya, taas wax dan ah oo ugu jirta beelahaasi ma jirto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*