26th March 2024  admin  Category :

Dawladda Qatar iyo Beelaha Hawiye oo iska kaashanaya qofka uu noonayo RW Soo socda

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maalmaan ku sugnaa magaalada Muqdisho, isla markaana ka waday kulamo siyaasadeed ee beesha Hawiye ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Bin Hamza Asad Mohammed.

Qoraal kooban oo madaxtooyada Galmudug ay ka soo saartay kulankaas ayaa lagu yiri, “Safiirka Dowladda Qadar u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Hasan Bin Hamza Asad Mohammed ayaa Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye kusoo booqday hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho.”

Dowladda Qatar ayaa saameyn xooggan ku leh siyaasiyiinta Hawiye, oo ay hada u badan tahay inay dhexdooda laga soo zulu Raisal wasaaraha soo socda ee Soomaaliya .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*