18th April 2024  admin  Category :

Ciidamo horey ugu sugnaa xarunta Baarlamaanka Puntland iyo ciidamo kale oo la sheegay in ay doonayeen in ay kala wareegaan ayaa muddo labaatan daqiiqo ku dhow rasaas xoogani ku dhexmartay afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka.

Isku dhacan inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay Ahmed Cawil oo ka mid ahaa Askarta Puntland iyo Cabdixakiim Maxamed Faarax (Dhagaweyne) oo xarun ganacsi halkaas ku lahaa.

Allah ha u naxariisto inta dhimatay, dagaal beeleed kama jiro Puntland. Laakiinse caawa waxa hurdo diiday cadowdii Puntland oo doonaya inay sii huriyaan dagaal ka dhaca Puntland.

Kuwii taageeri jiray SNM. Kuwii taageeri jiray alshabaabka, kuwii lacagta ka qaadan jiray Villa Wardhiigleey iyo HAG, intuba caawa waxay u soo jeedaan inay Majeerteen iyo Warsangeli fidno ay dhex dhigaan.

Ugu danbayntii wax garadka Puntland, aqoonyahanada, Cullimada, ururada bulshada waa in loo istaagaa midnimada, wada jirka iyo hurumarinta Puntland

ALLSANAAG,COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*