16th April 2024  admin  Category :

Maleeshiyaadkii beelaha Isaaq oo ka cararay Hadaaftimo

Maleeshiyaad ka soo jeeday  Beelaha Isaaq oo  ay hogaaminayaan labo nin oo ka soo kala jeeday  beelaha Habar jeclo iyo Habar Awal,   oo ay la socdaan  Marrabi ka soo jeeday  Maakhir ayaa maanta  iyaga oo sanaadiiqdii wada   soo gaaray degmada Hadaaftimo ee gobolka sanaag,  oo qaar ka mid ah Isimada degaanku ay lacag kaga qaateen inay siinayaan Muuse Biixi  codad gaaraya 5000, oo la sheegay in laga diiwaan geliyey gobolka Sanaag.

Laakiinse waxayna ogayn in Ciidamada Puntland ay  maanta afarta jiho ka joogaan gobolka Sanaag oo xitaa wasiiraddi u qaabilsanaa amniga ay ku sugan yihiin gobolka Sanaag. Markii arintaas  ka war heleen Isimaddii lacagta Muuse Biixi kaga qaatay inay codad siinayaan, ayaa waxay ku war geliyeen maleeshiyaadkii beelaha Isaaq inaanay amnigooda sugi karin oo maanta arintu ka weyn tahay  wiilashii  ay la hadli jireen,  oo aan idin ka celin jirnay inay idin dhibaateeyaan . Ciidanka meesha marayaana uu yahay ciidan xoogan oo aan anaga na maqli doonin.   Maleeshiyaadkii beelaha Isaaq oo isku halaynayey Marabidooda iyo isimada lacagta kaga qaatay inay codad siinayaan Muuse Biixi  taladdi waa qaateen,  Hadaaftimona waa isaga  cararaeen Caawa. Lama ogaan karo iyaga oo xoogan inay berito soo laaban doonaan

Marabbida ama Agoontii maanta  la socotay maleeshiyaadka beelaha Isaaq, kuwoodii hor boodayey   oo ugu cad cadaa oo afka u qaloocinayey sida dilaliintii reer Burco iyo Hargaysa ama siyaasiyiinta ku sugan guriga Moorgan, sadex ka mid ah Aabayashood waxa dilay Isaaq, mid ka mid ahna Aabihiis, Labo Adeeradiis ah  iyo iEedadiis oo safar ah waxa dilay SNM.

Intaa ka dibna  rabaayad ayuu u noqday Isaaq, waxayna u adeegsadaan  Si khaldan oo fool xun . Agoontan oo inta badan reer Makhir yaqaaniin magacyadooda  cidda ay yihiin iyo sida waalidkood loo dilay,  ayaa magacyadooda waxaan u qarinay Ixtiraamka aan u hayno  waalidkoodii  xag darada iyo isir nacaybka  loo dilay iyo kuwii ay ka tageen oo magac xumada u soo hooyey. Ninkii shalay Gabiilay ka yimid oo aabihiis Isir nacayb ugu dilay magaalada Ceerigaabo ayuu maanta wuxuu marabbi u yahay wiilkii uu dhalay oo isaguna Isir nacayb doonaya inuu cid ku dilo

Image result for COWARD GIF

ALLSANAAG.COM

ALLSANAAG.COM

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*