19th March 2024  admin  Category :

Puntland oo Gobolka Sanaag Ka Howlgelisey 100 Askari oo Birmad ah.

Taliska ciidanka Puntland ee gobolka Sanaag ayaa waxaa lagu wareejiyey in ka badan 100 askari oo hadda loo diyaariyey ilaalinta ammaanka iyo taabagelinta shaqooyinka laamaha ammaanka ee gobolkaasi.

Ciidankaan oo ah kuwa Birmad ah isla markaana ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa loo dhammaystiray agabkii ay u baahnaayeen waxaana ay durba ka shaqo bilaabeen magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

Wasiirka wasaaradda waxbarasahda iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in ciidankaani ay gaari doonaan dhammaan degmooyinka gobolka Sanaag kana shaqayn doonaan ammaanka, canshuuraha iyo ilaalinta deegaanka.

Dhanka kalena, ciidankaan ayaa wada sahqayn buuxda waxa ay layeelan doonaan ciidanka Daraawiishta ee ku sugan xuduudaha gobolka Sanaag si ay ugu fududaato qaqabashada dembiilayaasha iyo dadka soo gala gobolkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*