28th March 2024  admin  Category :

Majeerteen iyo Faroole RW ayeey rabaan Dhulbahante iyo Warsangeli iyagu maxay doonayaan oo ay isugu sii dhejinayaan maamulkaas

Sawirka kore waa Hooyooyin ku sugan Laascaanood oo lagu khasbayo diiwaangelin beeelaha Isaaq

Maamul beeleedka beelaha Isaaq ku midaysan yihiin ee SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo kamid ah Gobolada Sanaag iyo Sool.

Meelaha Ay SNM kawado Diiwangalinta waxaa kamid ah Jiida hore Gobolka sool halkaas oo ay isku horfadhiyaan Maleeshiyaadka SNM iyo Ciidamada Puntland.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in Deefganka Tukaraq ay isku muuqdan Sanduuqa diiwangalinta SNM iyo Ciidamada Puntland.

Sidoo kale Deegaanka Dhahar ee Gobolka sanaag SNM waxay kawada Diiwaangalinta maamulkaas iyadoo deegaanka ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo puntland ah.

Cabdiraxmaan Faroole oo hada ah madaxweynaha daaha dabadiisa kahaga maamulka Deni ay kawada hadlen in aan la samayn wax dhib ah oo aysan Puntland carqalad ku keeniin Sanaaduuqda diiwangalinta Dhahar iyo Tukaraq ee Sool iy Sanaag.

Masuuliyiinta arrinkan kawada hadlay waxaa kamid ah Dhinaca Puntland Faroole oo Deni wakiil ka ah kuna hadlaaya afka Deni iyo Faysal cali waraabe oo Wakiil ka ah Muuse Biixi kuna hadlaaya afka Muuse,

8 thoughts on “Puntland iyo SNM ma heshiis bay ku yihiin diiwaan gelinta

  1. Jirac

    Maamulka Puntland Kuma ahan kumana ahaan karaan dadka shacabka ah ee dhulbahante waxa intaas ku gaarsiiyeyna waxay ahayd Inmankii askarta ahaa oo ku mash wuu lay “Koobfurta Somalia Faroole Entire time oo uu puntland qasayey hadana daaha debediisa ka wado maaro looga la’yahay madaxweynehii yimaadaba waa ambassador beesha Isaaq Mid ay soo sixraan oo sheikh sheeganaya ama shaatiga shaydaanka u soo gashaan oo dadkiisa xasuuqaya ayaa puntland maaro looga la’yahay odaga xiskisin baa la siiyey baa la’aigu yidhi muu cibriqaato oo dhibkan iyo shidadan aan dhamaadka laheyn ka daayo dadkiisa yaabse wuxuu iman doonaa Ina Faroole markuu xil ka qabto ilaahow Ina kale badbaadi wuxuu u soo carbinayaa shaqadiisa. Haddaan ku noqdo laas’anod anigu taladii colonel kii dhintay baan qabaa ee ahayd maadaama aan mashquulsaneyn aan u digno saddex goor oo si nabadgelyo ah oga baxaan haday yeeli waayaan lascaano aadi meyno waa naqaan shaqaadaas iyo saanu u qabsan laheyn ee runtaa gaareysa narkaas “we’ve leadership crisis” marka shacabku maxay yeelaan? Meel waa Horgale, meel waa Reer Faroole, meel waa aaran jaan they’ve no choice siday ku bad baadaan bay sameyn it’s too long maanta waxay marasaa lacag la’idin siin maayo Horgale hadaydan madaxtooyo u dhisin kii feeri jiray dadka Reer Sool waan ku khasbanahay ineynu dulmigaas ka saarno mid SIXIR iyo mid HORGALE mid Deegaan dib u dhac iyo dad yeelimeyno ee hogaamiye xumo baa jidha marka insha Alaah soon waxbaa isbedelin taladii colonel kana waan ka shaqeysiin doonaa 100% ee ahayd aadimeyno laas’anod magoolo ay Lee yihiin baynu qabsaneynaa realitigay dhadhminayaan Reer Faroole iyo aaranjaan Garowe ha difaacaan Faisal Cali waraabaa sheegay inay Garowe qabsanayaan.

    Reply
  2. Cajiib

    Masuuliyiinta Warsangeli iyo Dhulbahante oo dowladda Puntland ki jidha maad la xisaabtantid intaad Majeerteen saarantahay?

    Baarlamaanka waxaa madax u ah Warsangeli. VPga Puntland waa Dhulbahante.

    Cuqdad baa idin haysee, orad Somaliland ama Farmaajo raaca

    Reply
  3. Oday

    Warsangeli iyo dhulbahante waxaa isku dara dadka somaliland u shaqeeya iyo kuwa xanuunsan oo aan dadka kala aqoon
    Ma jirto wax la yiraahdo warsangeli iyo dhulbahante. Dhulbahante waa kuwaas safka ku jira marka xagee baad ka keentay qabiilka kale aad ku lifaaqeyso
    Dhulbahantaha duloobay baa ku qaraabta oo inta saf galaan bey yiraahdaan anaga iyo warsangeli waxbaa si naga ah.
    Dhulbahante tiisa haka tashado, adinkuna ka waantooba kelmadaha laydiin soo tuuray oo aad iska qaadanaysaan
    Nagala tag sheekada maqaayadaha

    Reply
  4. Hamsa Faras

    Waxaan qabaa inay qalad tahay intaan dhulkayga ku casumo Iidoor anigoo ku bedelanaya $ 50 doolar oo wiilal mushahar loo siiyo hadana aan Puntland ku eedeeyo. Sanaag Bari Puntland Sanaag Bari howlo badan oo wax tar u leh bulshada ayay ka wadaa khasatan xukuumada hada joogta iyo tii ka horaysayba, waxaan ognahay Degmadaa Dhahar howlaha ka socda ee baaxada leh haday tahay wadooyin, Dhismayaal dowladeed iyo adeegyada bulshada dhanka Buraan waa la mid meel aysan gacanta dowlada Puntland gaarin ma jidho. Sidoo kale ciidamo badan oo bowolaal ah degaankana u dhashay ayaa la tababaray lana qalabeeyay mushaharkoodana joogto u qaata si ay dhulkoodii uga difaacdaan cadowga. Ciidankaasi meelkasta oo sanaag bari iyo Hayland ba waa joogaa, gudoomiyeyaashii goboladu waa joogaan, taliye yaashii ciidamadu waa joogaan waxaan marka is waydiinayaa waxa lagu eedaynayo madaxda Puntland loogana abaal dhacayo, ma waxaa la rabay in meel kale ciidan laga keeno oo wiilasha sanaadiikhda somaliland wadaa waa Warsangeliyoo anagu is dilimaynee kaalaya idinku naga erya wiilashayada muse biixi sanaadiikhda usoo dhiibay. War reer Sanaag Bariyow dib isugu laabta oo intaad idinku cadowga hoosta soo gashataan cid kale haku eedaynina, waan ognahay waxa Iidoor sanaadiikhda usoo dhiibeen waa wiilashiinii oo sandareero soo qaatay idinkaana ku filan inaad karbaashtaan. Ini Faroole magaaladiisii ayuu joogaa ciiidana usoo dirimaayo wiilashiina sanaadiikhda wada ee ogaada. Waxaan qabaa reer Sanaag inay ku gar daranyihiin iyagoo ciidankii ugu badnaa loo dhisay loona qalabeeyay horumar baaxad lihi ka socdo gobol kooda inay wiilashoodii Hargaysa lagasoo diray iska qaban waayaan cid kalena ku eedeeyaan. Hadaan u gafay reer tolkay cafis ayaan waydiisanayaa waxay iga ahayd baraarujin.

    Reply
  5. Hamsa

    Bowe Jiracow horta Laascaano yaa haysta yaase laga haystaa, yaase qabsaday yaase laga qabsaday. Laascaano waa magaalo Dhulbahante iyagii ayaa jooga waagii horena kuwii joogay ayagay ahaayeen. Laascaano nimanka qabsaday hadana joogaa waa jamac siyaad iyo bah ararsame waana dadkii deegaan ka u dhashay ciidanka joogaa waa iyaga hal askari oo Iidoor ahi ma taraxo, markaa mawaxaad leedahay jasmac siyaad iyo bah ararsame ha lagu duulo birtana halaga aslo. War Dhulbahante dhulkiisa isagaa leh ama ha tafaariiqaysto ama jumlo haku gatee iyagaa leh. Puntland markii la dhisay is ogol ayaa lagu dhisay xabad laguma keenin sool iyo Sanaag ee ogow. Harti waqooyi waa inay diin dhigtaan quraan saar iyo ale bari samaystaan iskana daayaan laba canlaynta iyo soor quudeedka masiirka dhulkoodana meel saaraan meelna isugu lugaduwadaan markaa hiil iyo hooba walaalahood harti way ka helidoonaan balse sida ay hada yihiin waxba lagama qaban karo bil xaaiiqa.

    Reply
  6. Hamsa

    Waxaan moodayay allsanaag inay tahay meel afkaar kala duwan lagusoo jeedin karo, waxayse u muuqataa meel laga raba fikrad ama aragti hal dhinac ah

    Reply
  7. Ahmed

    Ascw
    Anigu Farole iyo Deni ma difaacayo laakiin allsanaag mar kasta oo lays yiraahdo WIU qaan gaadhay oo heer saruu saxaafada ka gaadhay, wuxuu woraa waxaan oo kale.

    Reply
  8. Binary operation

    Horta website yada dhulbahante si kastay aragtida yada goonu isutaaga somaliland mucaarad ugu yihiin hadana waxay idin kaga gobsan yihiin qolodiinan all sanaag waa dad ilma abtinimada xeeriya, wayna maqlaan aragtiyaha yaga. Idinku dad cuqdad madoobaysay baad tihiin oo inta nacayb ka hadlaya.

    Horta hadii somalinimo laga hadlayo miyaad inaga xigtaan ka isaaq ahaan? Somali ma waxaad u taqaana intiinan isku ah hawiye iyo daarood? Hhhhhhh

    For that case we are happy to be stand own oo samaroon will be happy to stand it’s own and ciise will be happy to stand his own! Hhhhhhh

    Ka kaalay ta oo fikirka yaga somaliland baan usoo dhaadhacaya iyo asbaabihiisa.
    1. Jeclayso ama ha jeclaysan caalamka oo dhan iyo africa oo idil waxay ku dhisan tahay xuduudkii isticmaarku sameeyay. Hadaad leedahay isticmaar ku daarood bu kala qaybiyay inaba isaaq ciise samaroon ba waa nakala qaybiyay. Oo canfarta waa sameeyay oo waa xanuun africa oo dhan haysa oon waxba laga qaban karin kolka khasab in la isaga qaato mooye xal kale maleh. In somali meel la isugu keeno waa suuroobi wayday oo caalamka ka horyimid harti ahaana majeerteen iyo dhulbahante dhul ba kaga maqan itoobiya hadana kama hadlan. Maanta isaaq waxuu ku kala daadsan yahay itoobiya kenya somalia somaliland iyo djibouti
    2. Aasaaskii israacii somalia iyo somaliland wuxuu ahaa 5 tii kol hadii ka waayay wax dhaanta ta isticmaarka ma jiraan maanta qadhaadhkeeda ba hala haatee. Kolka ha ka moodin kaligiin in xanuunka idin hayo dhamaantayo waa na hayaa kuma faraxsanin se wàa waaqici oo waa khasab in sideeda lagu qaato oo la liqo.
    3. Kolka qabiil laga yimaado somaliland iyo somalia waa siman yihiin, taariikh ahaan aqbalina mayno mini estate yada somalia in nalala simo anakoo qaranka jira ahayn.

    Ugu dambayn cuqdad naxli iyo qabyaalad maaha mid aan ku aflaxayso mana ahan mid idinka iyo kuwa idinku xeeranba isku kiin dhawaynaysa. Hadii tabasho jirto miis lagu wada hadlo ayaa jira waa hadii aad leedihiin somaliland looma simna, hadaad ruux afxun ka dudayso somali meel kastay joogto qof af xun lagama waayo waa wax shakhsi ku kooban oon umad dusha laga wada saari karin. Ogow nacayb ku faa’iido kuuma leh xadna maleh xakamana maleh. Iga aragti duwanow laakiin iska jir nacayb iyo qabyaalad iyo cuqdad taasi meel laguma gaadho.

    Reply

Leave a Reply to Ahmed Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*