29th March 2024  admin  Category :

Puntland, Beelaha  Dishiishe iyo Dubays iyo  Isko rogooyinka  dhagaxa wada.

Beelaha walaalaha ee  wada dega Puntland , oo qarniyo badan sida  nabada    iyo walaaltinimada   ah ku wada noolaa ama ku wada   deganaa goboladaas, oo beel walba oo ka tirsan beelaha Harti  lagu ixtiraami jiray degaanadeeda ay gaarka u leedahay, ayaa sidii maamulka Puntland loo wada  samaystay waxa soo if baxday Jufooyin  ka mid ah beesha Majeerteen oo doonaya iyaga oo ka faaiidaysanaya awooda maamulka Puntland  inay xoog ku degaan degaano ayna horay u degi jirin ama u  hawaysan jirin ,

Beelahan reer Puntland oo duulaanka ku ah inay samaystaan degaanada  cusub  ayaa hub ahaan waxay u wataan Iska Rogooyinka dhagaxa qaada, oo bil walba waxay dhagax dhigtaan dhul cusub oo ay doonayaan inay   degaamaystaan.

Labada beelood oo dhulkooda duulaanka lagu yahay waa beelaha Dishiishe iyo Dubays, Mararka qaarkood   sida xaqiiqda ah, Beesha Majeeteen iyo beesha  Dishiishe degaanada ay  isku haystaan waa  dhul ay horay u Degnaan jireen ama ay gaar  u lahaayeen beesha Dubays ee  Warsangeli.

Dhulka ugu badan oo la rabo in la degaameeyo  oo maanta laysku haystaa waa inta u dhaxaysa Carmo iyo Ceel Daahir,  Carmo sida lagu sameeyey qof walba waa ka dheregsan yahay. Dhulka kale oo isha lagu hayo oo loo soo tukubayaa waxa ka mid ah Afdiinle,

Hadaba waa kuwama Jufooyinka Majeerteen ee  wata Iska rogooyinka dhagxu ku raran yahay   oo doonaya inay degaamaystaan dhul ayna horay u degi jirin,  waa  Cismaan Maxamuud, Cali saleemaan, Ugaar saleemaan iyo Wabeeneeye.

Ugu danbayntii mid ka mid ah siyaasiyiintii ka danbaysay in magaalada Carmo laga dhigo degaan Majeerteen  iyaga oo ka faaiidaysanaya maamulka Puntland,  ayaa  maalin maalmaha ka mid ah  wuxuu tegay  buuraha  Calmadow. Siyaasiyiin la socday oo ka soo jeeday Beesha Warsangeli ayaa isaga oo kaftan uga  dhigaya wuxuu ku  yiri ” Heedhe sidee Buurtan qurxoon ku hesheen ilaa  qabiil yar baad tihiine ” Jawaabtii la siiyey waxay noqotay ma rabtaa inaad soo aragto qabuuraha beeshaadu gaarka u leeyihiin ee ku aasan buurtan oo damaca waalani uu horay u soo qaaday . Waa la tusay qabuurihii reerkiisa, Taariikh iyo Cashar ayeey  u noqotay. Maanta in Ceel Daahir, Carmo, Galgala,  Afdiinle, Laag muran la gesho waxa keenay waa Majeerteen oo isticmaalaya Kaadhka Cumar iyo Dubays. Waxaana isticmaalaya  kaadhkan  wiilal abtiyo loo yahay oo  ay dhaleen beesha Dubays oo sidii ay Carmo kaadhkan ugu  samaysteen doonya in maalin walbo Iskorogo dhagaxa dhigtaan degaano ayna horay u degi jirin

ALLSANAAG.COM

 

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*