18th April 2024  admin  Category :

PRDC waxay daaha ka qaadday daraasad cusub oo ku saabsan doorashooyinka soo socda ee ka dhacaya Soomaaliya 2021.

Waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne Saciid C / llaahi Deni iyo labadii ​​madaxweyne ee isaga ka horreeyay.

Qodob aasaasi ah oo saldhig u ah hirgelinta doorasho xor iyo xalaal ah waa in xal loo helo musuqa, iyo in la xoojiyo wacyiga doortaha.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and outdoor

Madaxweyne Saciid C/ laahi Deni “Waajibaadka Baarlamaanka waxa lagu koobay doorashada madaxweynaha oo keliya, halkii ay ahayd in Baarlamaanku dalka ku hago hannaan isbeddel ku dhisan aragti fog, Waa in la helo nidaam wadatashi ay Somaalidu u dhan tahay, wixii ka soo baxana ay raalli ku tahay, waayo cid kale dibedda noogama keeni karto xal aan ku wada qanacno.”

C/ Weli Cali Gaas, Madaxweynehii hore ee Puntland oo ka mid ahaa goob-joogeyaasha madasha ayaa yiri

Image may contain: one or more people

“Muddo kordhinta si aysan u dhicin waa in la helaa dad hor-taagan muddo kordhinta, Waxaan aaminsanahay in doorashooyinka federaalku aysan suuragal ahayn sannadka 2020. Sababta waxa weeye iyada oo aysan jirin qaab-dhismeed siyaasadeed oo wax ku ool ah oo ay ka go’an tahay hirgelinta doorashada, marka lagu daro Barlamaanka Federaalka”sidaa waxaa yiri Madaxweyne Gaas.

Gaas oo hadalkiisa sii wata,ayaa yiri…

“Sababta labaad waa jiritaan la’aan heshiis siyaasadeed oo u dhexeeya dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah”

Sidoo kale waxuu Gaas ku sheegay sababta saddexaad ee aysan doorasho qof iyo cod uhirgali karin….

“Himilada NEC (Komishanka Doorashooyinka Qaranka) uu yahay mid aan ku saleysnayn xaqiiqada dhabta ah”.

Cali Xaaji Warsame, wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland; “Waxa noo muuqata xalka keliya ee noo furan inay tahay doorasho. Qorshaha aan soo jeedinay waa in beelaha ay xor u noqdaan doorashada cidda ay doonayaan, haddana tirada waxa ka muhiimsan tayada, marka waa in aannu aad u xoojinno dad miisaan leh oo buuxin kara kaalin weyn.”.

Image may contain: one or more people, people standing, child, tree, wedding and outdoor

ALLSANAAG.COM. NEWS@ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*