29th March 2024  admin  Category :

Bangiga Adduunka ee Afrika oo Mashaariic ka fulinaya Muqdisho

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Bankiga Adduunka oo ay Hoggaamineysey Madaxa Bariga Afrika. Kulanka ayaana diiradda lagu saaray mashaariic horumarineed oo Bangigu ka fuliyo magaalada Muqdisho .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay iyadoo laga faa’iideysanayo horumarrada laga sameeyay dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ee Muqdisho ay lagama maarmaan tahay sameynta mashaariic waxtar leh, si bulshada  Reer Banaadir ay uga faa’iideystaan ugana helaan fursado shaqo.

Dhinaca kale Madaxa Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga Afrika Marwo Bella Bird ayaa uga mahadcelisay maamulka gobolka Benaadir soo dhaweynta loogu sameeyey Caasimadda dalka, waxayna sheegtay in Bangiga Adduunku sii xoojin doono taageerada dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo horumarka la higsanayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*