18th April 2024  admin  Category :

Si Bulshada Soomaliyeed ee Muqdisho ku nool loo badbaadiyo waa in  Caasimadda la geeyaa magaalo kale oo Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan oo ku fashilmay in uu wax ka qabto foolxumada ka socota  caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,  ayaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ka dalbaday  ballaarinta Sohdimaha ay Muqdisho leedahay.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Caasimaddu ay sii ballaarato, maadaama xiligan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii hore, isagoo xusay in bulshada Caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye.

“Maadaama uu dalku yahay Federaalka, Caasimadduna ay ka ballaaratay intii hore waxaa muhiim ah in laga wada-xaajoodo mustaqbalka sidii loo gaarsiin lahaa sohdinta hadda jira labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*