28th March 2024  admin  Category :

Maxaa keena khilaafka madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa.?

Dhowaan ayeey ahayd makii madaxweyne ku xigeenka Puntland Ahmed Elmi Osman (Ahmed Karaash) uu Baraha Bulshada soo dhigay warqad ka baxsan nidaamka dawladeed oo uu ku diidan yahay magcaabidda Taliyaasha Madaxtooyada Puntland oo uu magcaabay madaxweynha Puntland oo isagu sharci ahaan xaq u leh inuu madaxtooyadda u magcaabo cidda uu doono, hase ahaatee ay ahayd inuu kala tashado ku xigeenkiisa.

Talada madaxweyne ku xigeenka uu siiyo madaxweynuhu waa qaadan karaa waana diidi karaa.

Hadaba maxaa keena khilaafkan soo noq noqday ee u dhaxeeya madaxweynayaasha Puntland soo maray iyo ku xigeenadooda oo ka soo kala jeeda beelaha Majeerteen iyo Dhulbahante.

Khilaafka u badan ee hogaamiyaasha Puntland waxa uu ka yimaadaa madaxweyne ku xigeenka. Sababtuna waa ku xigeenada Puntland ayaa had iyo jeer ku dooda in iyaga looga danbeeyo magcaabista qof ka sta oo ka soo jeeda beesha Dhulbahante, mararka qaarkoodna waxa yimaada khilaaf u dhaxeeya labada jilib ee Faarax iyo Maxamuud Garaad.

Tusaale haddaan u soo qaadano khliaafkii u dhaxeeyey Allah ha wada naxariistee madaxweynihii hore Puntland Maxamuud Muuse Xirsi Cadde iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamul goboleedka Puntland  Hassan Daahir Af-qurac, ayaa waxa uu ka bilaabmay khilaaf siyaasadeed oo sida maanta oo kale ah, taasina waxay keentay in Wasiiirkii hore arimaha Gudaha Puntland Axmed Cabdi Xaabsade oo culays lagu saaro inuu ka baxsado maamulka Puntland. Waana sababta ay maanta Laascaanood ku maqan tahay.

Tusaalaha labaad Waa khilaafkii u dhaxeeyey madaxweynihii hore Gaas iyo ku xigeenkiisii Camey, oo iyaguna khilaafkoodu sababay in maleeshiyaadkii laga keenay guud a haan Puntland oo laysugu keenay Tukaraq in dib loogu celiyo degaanadoodii, maantana ay weli SNM ku sugan yihiin Tukaraq

Ugu danbayntii madaxweyne kasta oo Puntland yimaadaa , marna ma dhibin ama ma yarayn saamiga ay beesha Dhulbahante ku lahaayeen maamulka Puntland, marna madaxweyne Puntland iyo ku xigeenkiisu iskuma qaban arimo Dastuuri ah iyo xoraynta Laascaanood iyo degaanada maqan. Khilaafka u dhaxeeya madaxda Puntland mar walba waxa uu ka bilaabmaa waa Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo leh Dhulbahante oo dhan ” Aniga ha layga danbeeyo” , anigaa magcaabaya ama Aniga ayaa sheegaya kii la eryayo, taas oo mararka qaarkood keenta eex iyo sadbursi uu ku kaco madaxweyne ku xigeenku sida marar hore dhacaday.

Arinta maanta ay isku hayaan madaxda Puntland waa kuwii hore mid la mid ah, , waxase sii dheer khilaafyadii hore oo sida hoose loo dhamayn jiray Warqada uu madaxweyne ku xigeenku soo dhigay Baraha Bulshada, oo ah mid ka baxsan dawoladnimada iyo xaaladda maanta lagu jiro.

ALLSANAAG.COM, NEWS@ALLSANAAG.COM

One thought on “Maxay isku qabtaan madaxda Puntland?

  1. Hiirad

    waa dhibaato walahi waxaan ka rajaynayaa mudane madaxwayne ku xigeenka inuu ahaado shaqsiii aan ku ogaa ee ahaa inuu yahay shaqsi puntlanimadu ay ku wayntahay kuna dhinta, maanta uma arko wax khilaaf keeni kara taliyeyaal ciidan madaxtooyo runtiina waa kugu sharaf dhac mudane madaxwayne inaad tiraahdo taliye ku xigeenka sool kasoo jeedaa anaa magcaabaya adigoo oday Puntland ah oo u dhaartay dhamaan shacabka Puntland. anigu maahi garyaqaan laakiin waxaan kuusoo jeedinlahaa inaad gar naqsato intaadan geedka tegin waayo waxaan ogahay doodaada ah madaxwayne igalmuu tashan tashan taliye ku xigeenkii labaad ee sool kasoo jeeday uma arko wax saxa runtii jawaabta kaaga iminkartaa madaxwaynaha waxa weye puntland anigu madaxwaynaheeda ayaan ahay waxaana xaq iisiinaya dastuurka dalka talada madaxwayne ku xigeenkuna khsab iguma ahan,

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*