28th March 2024  admin  Category :

Ciidamo ka mid ah kuwa Puntland, gaar ahaana kuwa booliiska, oo gaaraya 405 askari ayaa tababar looga furay xerada xorgoble ee ku taal magaalada Qardho. Tababarkan ciidanka la siinayo, ayaa kor u qaadi doona tayada ciidanka booliiska.

Shirkadaha ka shaqeeysta daabacaadaha ee Puntland, ayaa lagu soo rogay caanshuuro dheeri ah sida ay sheegeen ganacsatada. Ganacsatada, ayaa sheegay in loola yimid fawdo iyo hanjabaad sababtaas darteedna aysan ganacsiyadooda furi doonin inta xal laga gaarayo.

Maamulka iyo shacabka gobolka Hiiraan, ayaa soo dhaweeyey mashruuca biyo xireenka Baladweeyne. Mashruucan, ayaa waxa qarashka ku baxaya bixineeysa dawladda Talyaaniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*