28th March 2024  admin  Category :

Markaan tabar hayey Talo baanan hayn, hadda oo aan Talo hayana Tabar baanan hayn!!!

Wasiir Jamaal, afartii sano ee uu ahaa Wasiirka aan dhicin oo ay u dheerayd xildhibaanimadu oo uu Muqdisho wax kula waalaaqanayey Saaxiibkiis Farmaajo Kama hadlin dayaca iyo darxumada uu hadda tirinayo ee ka jirta degmadii uu u dhashay, kulamana uusan shaqayn maamulka degaamadaas ka dhisan hadday ahaan lahayd Puntland iyo kan Hayland balse waxa uu saaxibadiis Fahad iyo Farmaajo kala shaqaynayey sidii ay Puntland u burburin lahaayeen iyaga oo dhaqaale lagu horomarin karo adeegga liita ee Dhahar ku bixiyey sidii meesha looga saari lahaa maamulka puntland.

Inkasta oo aanan taageersanayn in mawaadiniinta Somaaliyeed ee dalkooda isaga dhex gooshaya safaradooda la car qaladeeyo, haddana Jamaal ma mudna in la soo dhoweeyo ee waxa ay ahayd in lagula xisaabtamo eedaynaha loo tirinayo, balse wax matare kasta marka uu Fashilmo wuxuu hoos galaa Qabiilkiisa.

Haddaba reer Hayland ha waydiiyeen 4tii sano ee uu xilka hayey waxa uu dal iyo dad u qabtay? maanta oo waqtigii ka dhammaaday waxa uu ula soo gurya noqday?Yeeyse ka gadmaysaa maanta waxaan idiin dhagax dhigayaa Airport!!!! miyasan arrintaasi ahayn MARKAAN TABAR HAYEY TALO MAHAYN, MAANTA OO AAN TALO HAYONA TABAR BAANAN HAYN!!!!!

BY: Cabdirashiid Cumar

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*