29th March 2024  admin  Category :

Dowladda Maraykanka ayaa joojisay gargaarkii cuntada iyo shidaalka ee ay siin jirtay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya,cabsi laga qabo musuq maasuq,taasoo  dharbaaxo ku ah militariga Soomaliya,iyadoo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay bilaabeen in ay Soomaaliya ka baxaan bishaan.

Dowladda Maraykanka ayaa joojisay gargaarkii cuntada iyo shidaalka ee ay siin jirtay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya,cabsi laga qabo musuq maasuq,taasoo  dharbaaxo ku ah militariga Soomaliya,iyadoo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay bilaabeen in ay Soomaaliya ka baxaan bishaan.

Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya soo galay 10 sano ka hor,si ay ula dagaallaman mintidiinta Xagjirka ah ee Al-shabaab,waxaana la filayaa in Ciidanka Soomaliya ugu dambayntii la wareego waajibaadkiisa.

Laakiin Maraykanka ayaa sidoo kale bixiya kharashka 22 kun oo Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM,xilli Maraykanku ka caraysanyahay in xukuumadihii is-daba joogga ahaa ee Soomaaliya ay ku fashilmeen dhismaha ciidan qaran oo awood leh.

Debloomaasiyiintu waxay ka walwalsan yihiin in aysan Soomaaliya haysan ciidan xoog leh,taasoo suura-gelin karta in ay dib u xoogaystaan Al-shabaab oo khalkhaliyaan gobolka iyo in ay Soomaaliya gabbaad ka helaan dagaallamayaal kale oo Al-qaacidda ama Daacish ah.

Xayiraadda gargaarka ayaa timid,kadib kolkii marar badan ciidanka Soomaalidu ku fashilmeen in ay xisaab sugan ka soo gudbiyaan cunto iyo shidaal la siiyey,sida ku xusan qoraallo sir ah oo ay is-weydaarsadeen dowladaha Maraykanka iyo Soomaliya oo ay aragtay Wakaaladda Wararka Reuters.

“Wada-xaajoodyadii ugu dambeeyey ee ay yeesheen Maraykanka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya,labada dhinac waxay isku raacaceen in ciidanka Xoogga dalka Soomaliya aysan buuxin hal beegga is-la xisaabsanka gargaarkii Maraykanka”,sidaasi waxaa wakaaladda Wararka reuters u sheegay Sarkaal ka tirsan waaxda Arrimaha debadda Maraykanka oo magaciisa diiday.

“Waxaan dib u-habayn ku samayneynaa gargaarka Maraykanka ee cutubyada Xoogga dalka Soomaaliya,marka laga reebo cutubyada helaya hagidda,si loo xaqiijiyo in gargaarka Maraykanka loo adeegsado sida wax ku oolka ah ee loogu talo-galay”,ayuu yiri sarkaalka.

Xayiraadda gargaarka ee Maraykanka ayaa ku beegmatay,wakhti xasaasi ah oo la qorsheeyey in Ciidamada Midowga Afrika ee ka socda dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda ay Soomaaliya ka baxaan sannadka 2020. Kunka askari ee ugu horreeya ciidamada AIMSOM ayaa bixi doona dabayaaqada sannadkaan 2017.

Mas’uul ka tirsan waaxda Arrimaha debadda Maraykanka ayaa sheegay in Washington sii wadayso taageerada ay siiso cutubyada yar ee ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ay madaxda u yihiin shaqaalaha Maraykanka ,sidoo kalena ay dowladda Soomaaliya la shaqeyn doonto,si loogu heshiiyo halbeeg lagu soo celin karo kaalmadii la siin jiray ciidamada kale.

“Waa run, waxaa jira xooga walaac ka jira qaabka kaalmada loo adeegsaday loona qaybiyey.Xukuumadda federaalku waxay ka shaqeyneysaa inay wax ka qabato, “ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya Maxamed Mursal oo u waramay Reuters.

Meeyay Gargaarkii?

Documentiyo laga soo diray Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya oo loo diray dowladda Soomaaliya ayaa muujinaya in saraakiisha Mareykanka ay aad uga careysan yihiin in ciidanku aysan awoodin in ay xisaabiyaan kaalmadooda.

Documentiyada ayaa rinjiyeynaya sawir muuqaal ka bixinaya arrimo musuq maasuq, iyo in aysan awoodin in ay ciidankooda mushahar siiyaan,inkastoo boqolaal malyan oo dollar ah ay kaalmo u qaataan.

Intii u dhexaysay bilihii May iyo June ee sannadkaan koox saraakiil Maraykan iyo Soomaali ah ayaa booqday sagaal saldhig mililtari,si ay u qiimeeyaan,bal in 5000 askari oo saldhigyada ku sugan ay heleen gargaarkii cunto ee Maraykanku soo dhiibay.

“Ma aanno helin cadadkii weynaa ee aan filaynay inaan meel kasta ka helno,mana hayno caddayn muujinaysa in la isticmaalay,(marka laga reebo laba saldhig)”,sidaasi waxaa xukuumadda Soomaaliya u qoray kooxdii Maraykanka ahayd.

Hal saldhig oo keliyah waxaa ku joogay in ka yar boqoliiba 5 askari oo kamid ah ciidamadii ay taliyaasha Soomaalidu sheegeen in ay joogaan. Saldhigii ugu fiicnaa waxaa ku sugnaa160 askari oo kamid ah 550 askari ee ka diiwaan-geshanaa,kuwaasoo 60 asakari oo keliyah qoryo haystaan.

“In badan ayaa u muuqday inay xiran yihiin lebis cusub . Tani waxay muujinaysaa in ay isugu soo uruuriyeen oo kaliya si loo hagaajiyo muuqaalka, “sida ku qoran Warqadda ay Reuters aragtay.

Qiimeyn joogto ah oo ku aaddan ciidanka milateriga Soomaaliya sannadkan, xukuumadda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa soo afmeeray natiijooyin isku mid ah.

Warbixin ay si wadajir ah u soo saareen oo ay aragtay Reuters,ayaa sheegtay in qaar badan oo ciidanka kamid ah aysan haysan qoryo,direes,cunto,gawaari iyo teendhooyin. Ciidanka ayaa ku tiirsan taageerada ciidamada Midowga Afrika ama maleeshiyooyinka maxalliga ah si ay u noolaadaan.

“SNA waa ciidan jilicsan oo leh taliyaal aad u liita ,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Waxay awoodi kari waayeen in ay sameeyaan howlgalo wax ku ool ah”.

Dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale joojisey barnaamij ay ku bixiso askar bilays ah oo ah $ 100 bil walba,bishii June kadib markii xukuumadda federaalku diiday in ay la wadaagto mas’uuliyadda helitaanka lacagaha ciidamada maamul goboleedyada ee la dagaallama al Shabaab.

Washington waxay Ciidanka Soomaaliya ku bixisay $ 66 milyan toddobadii sano ee la soo dhaafay laakin waxay joojisay barnaamijka dhowr jeer, iyadoo ka walwalsan in lacagtaas aanay gaarin askarta furimaha hore.

Xigasho:- Reuters

PUNTLAND POST

Abdirahman Isse Omar

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*