26th April 2024  admin  Category :

Madaxweyne Ku xigeenka aan dhicin ee Galmudug Shaqadiisu maxay noqon doontaa.

Maxamed Xaashi Cabdi Carabey, oo ku magcaaban madaxweyne ku xigeenka Galmudug, kuna shaqeeya siyaasadda ah “ninkii Galmudug qabsadaaba waa adeerkay, ayaan la garanayn waxay shaqadiisu noqon doonto. Ka dib Heshiiska maanta ay Muqdisho ku kala saxiixdeen beelaha Cayr, Sacad iyo Murursade, ayaa waxa lagu heshiiyey  in beesha Sacad ay iyagu Galmudug madaxweyne ka noqdaan, beesha Cayr ay iyaguna Galmudug Raisulwasaare ka noqdaan, halka beesha Murursadana  iyaguna sii haynayaan Gudoonka Baarlamaanka.

Maxamed Xaashi Cabdi carabey, oo ka soo jeeda beesha Sade, siyaasadana ay isaga mid yihiin Bare Hiiraale ayaa  sadex madaxweyne oo soo maray Galmudug, oo kala siyaasad duwanaa oo mid ka mid ahi ahaa  Dagaal ooge, midna Damuljadiid iyo madaxweynaha hadda xilka hayaa oo isaguna horay u  ahaan jiray  Qaad wale   la soo wada shaqeeyey. Mar haddii Galmudug madaxweyne iyo Raisuwasaare yeelatay saami qaybsigii beesha Sade Daarood muxuu noqon doonaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*