16th April 2024  admin  Category :

Afartii Sano ee Farmaajo Mucaardka ahaa, ee  uu doonayey inuu qabto xilka uga sareeya dawladda Soomaaliya  haduuna u soo diyaar garoobin xilkan uu doonayo inuu hantiyo  ,  waa ku adkaanaysaa  Afarta sano ee soo socotana  inuu  wax badan ka  qaban doono ama wax  ka bedeli doono  arimaha  cakiran ee Soomaaliya maanta ka jira , oo ay  ka mid yihiin midnimada  Soomaaliya oo laga shaqeeyo , ciidan Qaran oo la dhiso, kuwa shisheeyahana ee hadda  dalka sugan oo laga saaro , deeqaha sida waxbarashada, dalacsiinta ciidamada oo si caddalad ah Soomaalida dhexdeeda loogu qaybiyo IWM.

Wadamada Caalamka ee ay ka jirto Dimoqraadiyaddu, waxa ka  jira xisbiyo dhowr ah oo midkoodkba  uu dhowrkii sano uu  dalkaas  hogaamiyo, marka mid ka mid ah   uu dorashada ku guulaysto, isaga ayaa  soo magcaaba gole wasiiro  . Halka mucaradkuna iyaguna ay   samaystaan wax loogu yeero Opposition Shadow Cabinet oo ah gole  wasiiro  oo mucaarad ah ,  oo shaqadoodu tahay inay dawladda xilka haysa  la xisaabtamaan. Sidoo kalena marka ay fursad helaan oo ay doorashada kale  ku guulaystaan, ayaa  iyaga oo diyaarsan oo khibrad leh waxay horay uga bilaabaan shaqadooda marka xafiisyadooda ay fariistaan.

Jabhadihii  ka soo dagaalamay caalamka ee xukunka xooga ku qabsanayey  ama kula wareegay si farsamaysan,   iyaguna iyaga oo diyaarsan  oo dhamaystiran ayeey kuraasta  fariisan jireen. Sharci daro kasta ha ku fariisteene.

Maanta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,  oo lix sano mucaarad soo ahaa, ayaa  waxa ka  muuqata inaanu   u soo diyaar garoobin inuu  qabto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Magcaabidda uu Soomaali  ugu  soo  magcaabay  Ra’iswasaare horay u ahaa  gudomiyihii hore ee SOMA Oil & Gas oo xiriir iyo wada shaqayn fiican la lahaa dawladdii ugu musuqmaasaqa badnayd ee  Soomaaliya  soo marta  ee uu hogaamin jiray Xasan Culusow, waxay daliil iyo cadayn  u tahay in madaxweyne Farmaao uuna  shaqo guri oo fiican soo qaban, sidoo kalena uuna lahayn  la taliyaal khibrad leh oo siinaya talada ugu wanaagsan oo Soomaaliya looga saari karo xaaladda cakiran, hogaanka wanaagsani waa kii dalkiisa ku hogaamiya wada tashi iyo dulqaad, waxa muuqata in Farmaajo  wada shaqayn fiicana la lahayn mucaardka kale ee Soomaaliyeed ee waayo araga ah  iyo aqoonyahanada badan ee Soomaaliyeed oo  isla markiiba mucaaraday  markii uu u  magcaabay  Rw gudoomiyihii hore  SOMA Oil & Gas .

Magcaabidda lagu degdegay in gudoomiyihii hore  SOMA Oil & Gas  Hassan Ali Kheyre in  loo magcaabo Ra’iswasaaraha Soomaaliya waa sababta keentay in Soomaaliya ilaa hadda aan  loo magcaabin  Gole wasiiro iyada oo ay dalka  ka jirto  abaar iyo masiibo QARAN.

Ugu danbayntii madaxweyne Farmaajo oo afartii sano ee  la soo dhaafay mucaarad ku ahaa  dawladdii Xasan Culusoow iyo dawladdii Sheekh Shariif , ayaa in badan oo ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed waxay ka sugayaan in uu la yimaado wuxuu u soo diyaarsaday inuu  dalka Soomaaliya uga saari lahaa dhibta haysata.

Hase ahaatee  sida hadda  ka muuqata Farmaajo, oo ah nin aan diyaarsanayn  aan khibrad siyaasadeed  lahayn, la taliyaal fiicana lahayn, qaba cuqdad Puntland iyo Jubbland,    maalinta uu xilka uu ka dego Soomaaliya waa ka sii darnaan doontaa sida ay ahayd maalintii uu xukunka  qabsaday, oo waxa dib loogu noqon doonaa halkii laga yimid, haddaan Mooshin laga keenin oo xilka laga qaadin. Haddii uuna xilka ka degina oo sidan Soomaaliya ku sii socota Afar sano ayaa ka lumi doonta iyo labo sano oo kale ee hogaamiyaha soo socdaa wax sixi doona, haddu noqdo mid ka duwan farmaajo

khaalid1970@hotmail.com

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*