29th March 2024  admin  Category :

WAA KUU FASAX INAAD QAADATO QORAALKAN. GASHO BOGAAGA, LAAKIIN WAXBA HA KA BEDELIN.

SALAANTII RUKUUCDA EE HORE WAXAA XIGTAY KURSI XAQIREED MADAXWEYNE XASSAN LOO DHIGAY. ISAGA IYO SHAQAALIISU DAWLADNIMO MA WADI KARAAN? MAXAA TAN XIGI DOONA?

{ALLSANAAG} Allsanaag qoraal hore waxay idiinku soo gudbisay “Salaanta Rukuucda, Madaxda Soomaalida iyo Madaxweynihii Madaarku Xafiiska u ahaa.” Ceebaha madaxtooyada iyo anshax ku tumashadii qoraalkaa hore lagu tilmaamay weli waa dhacayaan. Kuwa ku xeeran Madaxweynuhu goormay garan doonaan aqoontooda xaddidan iyo tamartooda oo ceebahan oo kale ka kori doonaan? Waa mid aad u adag in laga fisho shaqaalaha sidan ah iney keeni karaan arragti dheer iyo qorshe sugan oo xaaladahan adag dalka lagaga saari karo.

Madaxweyne sida Musevini kuu duleeyey ma dareentay? Ma u qosli lahayd haddaad dareemi lahayd? Addiga oo dal dhan metela, oo marti u ah, ayuu sharafteenii ku tuntay, lugta kugu taagay, laba calan oo ay leeyihiin ku daba dhigeen oo kaagii ku ag dhigi waayeen. Adiga iyo shaqaalahaaguna garan waaye taa; shaqaalaha Musevenina ula kac bay inoo duleeyeen.

Arrag sida Clinton, oo Musafeni ku qaabilay halka uu kugu qaabilay, calankooduu loogu dhigay meeshaa hadda calankooda labaad ay dhigeen.

Jaalle Madaxweyne, Yugaandha ummada Soomaaliyeed mashruuc ay lacag ka sameeyaan buu u yahay waxaana daliil kuu ah siday xitaa addiga oo na metela iyo ummada Soomaaliyeed fadhigan ugu xaqirayaan, liidayaan, quudhsanayaan oo ugu dul soconayaan.

Sharaftii ummada Soomaaliyeed si loo soo celiyo Soomaaliyi ha ka tashato Afrikaanka gaajeysan oo mashruuca lacagta ka dhigtay oo sidan ula dhaqmaya dawladaa aan khibrada iyo waaya-arragnimada lahayn.

Calankaagii_Mee_Madaxweyne3

FAALADA SAWIRKA: Madaxweyne calankaagii meeyey? Ma ku faraxsan tahay in Kibaaki iyo shaqaalihiisu kursigaa Soomaaliya duleynta ah, ee calankii Kiiniya oo keliya la ag dhigay, ay kugu fadhiisiyaan? Adigoo afka kala haya, qosol xad dhaafa darteed, oo uu KIBAAKI farta kugu fiiqayo, sidii ilma yar aad tahay, in lagugu sawiro waa xaqiraad weyn.

Xusuus: Madaxweyne Xassan ummada Soomaaliyeed buu metelaa. Qosolka iyo dhoola caddeynta waa inuu kala gartaa. Waa inuu ogaadaa dhoola caddeynta iyo weji furnaanta xilliga ay tahay inuu muujiyo iyo meesha ay tahay inuu ku muujiyo iyo cidda ay tahay inuu u muujiyo. Qosolkiisa hadda xad dhaafka noqday wuxuu noqon doonaa mid adduunku ka riwaayadeystaan, haddii aanu hadda wax ka bedelin.

HALKAN KA AKHRISO SIDA YUGAANDHADUU MARTID U AHAA LOOGU DULEEYEY MADAXWEYNE XASSAN IYO UMMADA SOOMAALIYEED.

HALKAN KA ARAG OO AKHRISO MADAXWEYNAHA KURSIGA QUUDHSIGA LAGU FADHIISIYEY IYO QOSOLKIISA FICIL LA’AANTA AH

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*