16th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Taliska Ciidamada Asluubta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland iyo Xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud, Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jaamac Faarax Muuse, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac, Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland S/Gaas. Cali Nuur Cumar, iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kormeeray dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay Taliska Ciidanka Asluubta Puntland, isagoona Madaxweynuhu mid mid u xog waraystay saraakiisha ciidanka Asluubta ee Taliska ku sugnayd.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa kormeeray xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe, waxaana uu Madaxweynuhu la kulmay maxaabiista xabsiga ku jirtey, isagoo ka xog waraystay xaaladdooda guud, Madaxweynaha ayaa u sheegay maxaabiista in si dhaw uu u eegidoono kiisaskooda, fursadna siinayo warbixinta maxbuuswalba.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland S/Gaas. Cali Nuur Cumar ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha.

“Madaxweynuhu maanta waa nooyimid arrimo badan ayaan tusnay, wuxuu kormeeray xarumaha uu ka kooban yahay Taliska Ciidanka Asluubta, xabsiga ayaan tusnay Madaxweynaha, waxa uu u kuurgalay xaaladda maxaabiista, Sidoo kale waxaan u tusmaynay waxqabadkii iyo shaqooyinkii aanu gacanta ku hayney”

“Waxbadan buu Madaxweynuhu balanqaaday inuu u qabanaayo Asluubta, markuu uu yimidba xafiiska tixgelintii koowaad buu nasiiyey, haddana wuxuu amarnagu-siiyo shaqooyinka baaxadda leh ee aan hayno inaan sii wadano, Dhinaca kale Madaxweynuhu wuxuu Taliska iyo Maxaabiistaba amray oo ugu tabarucay in Geel iyo wixii kale ay u baahan yihiinba loo-sameeyo.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Gaas Cali Nuur Cumar.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa tababar usoo xidhay ciidan Dhibaw ah oo ka tirsan ciidanka Asluubta, kuwaasi oo tiradoodu dhammayd 20, waxaana uu tababarku u socdey ciidanka muddo dhan 3 bilood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*